TOOS, Toogasho ay dad ku dhinteyn oo Maraykanka ka dhacday

Laba qof ayaa ku dhintay shan kalena way ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday xaflad cunto oo ka socotay meel u dhow bartamaha Seattle.

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Halkee ayey ka dhacday Toogashada Seattle?

    BOOLIIS

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Toogashadu waxay ka dhacday bandhig cunto oo sanadle ah, taas oo lagu soo bandhigo cuntooyin kala duwan, xafladda ayaa lagu qabtay xarunta Seattle, iyada oo hal haysku ahaa dhadhami Seattle.

    Waxaa iskugu yimaada kumanaan qof oo iskugu jira kuwa cuntooyin iibiya oo keena bandhiga si looga iibsado, iyo macaamiisha iibsaneysa iyo sidoo kale, waxaa qeyb ka ah xafladda bandhigyo muusig oo toos ah.

    Dad goob joog ah ayaa sheegay in rasaas badan la maqlayay abbaare 18:00 waqtiga maxalliga ah, sida laga soo xigtay Seattle Times, iyadoo mid ka mid ah ka qaybgalayaashu uu goobta ku tilmaamay "fin meeshu isku beddeshay buug iyo sawaxan".

    Booliisku waxa uu sheegay in ay bilaabeyn baaritaanno,ayna qabtayn laba oo looga shakisan yahay in ay geestayn toogashada.

    Sii akhri:

  2. War deg deg ah, Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyooday toogasho ka dhacay Seattle, Maraykanka

    Laba qof ayaa ku dhintay ugu yaraan shan kalena way ku dhaawacmeen rasaastii ka dhacday Xarunta Seattle, Washintong, sida laga soo xigtay Waaxda Dab-damiska Seattle.

    Labada qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen goobta, halka dadka dhaawacmay lasoo sheegayo inuu ka mid ahaa wiil laba jir ah oo loo qaaday isbitaalka, inkasta oo xaaladdiisu deggan tahay, iyo haweeney 56 jir ah oo uu soo gaaray dhaawac halis ah.

    Mid kamid ah dadkii dhaawaca soo gaaray ayaa la sheegay in uu soo gaaray dhaawac fudud.

    Waaxda dab-damisku ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca dhaawacyada.

  3. Guddoomiyaha Guddiga Amniga Qaranka ee Baarlamaanka Iiraan: Tallaabada Ukraine jawaab la'aan ma ahaan doonto.

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Ebrahim Azizi, madaxa Guddiga Amniga Qaranka ee Baarlamaanka Iiraan, ayaa yiri isagoo ka jawaabaya weerarkii Ukraine ay ku qaaday markab ganacsi oo Iiraan leedahay oo ku sugan Badda Caspian: "Weerar kasta oo lagu qaado Iiraan had iyo jeer wuxuu leeyahay kharash, tanina ilaa maanta ayay run tahay. Mareykanka iyo Israa'iil si fiican ayay uga warqabaan arrintan. Ukraine sidoo kale waxay u badan tahay inay dhawaan ogaan doonto in Iiraan aysan ka hari doonin ficilladeeda ka dhanka ah iyada oo aan laga jawaabin."

    Sida laga soo xigtay IRNA, Mr. Azizi wuxuu sheegay inuu sidoo kale hadalladan uu ka jeediyay wadahadallo uu la yeeshay mas'uuliyiinta Midowga Yurub, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub iyo wasiirka arrimaha dibadda Ruushka: "Ficillada Ukraine lama jawaabi karo."

  4. War deg deg ah, Weerarradii Xuutiyiinta oo durba saameyntooda la dareemayo iyo xog laga helayo

    Badda Cas

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in, sida ku cad xogta maraakiibta ee madasha falanqaynta Kepler, isu-socodka maraakiibta ee marinka Bab al-Mandeb uu hoos u dhacay kadib weerarradii ay Xuutiyiintu ku qaadeen xarumaha shidaalka ee Sacuudiga ee xeebta Badda Cas iyo ku dhawaaqistoodii xanibaadda badda ee dalkaas.

    Maalintii Axadda, 11 markab oo xamuul sida ayaa maray marinka Bab al-Mandeb, taasoo ah tiradii ugu yarayd ee la diiwaangeliyo bilihii u dambeeyay, sida ay xogtu muujinayso.

    Toddobo ka mid ah maraakiibtaas waxay ahaayeen kuwa shidaalka qaada, iyadoo saddex ay galeen Badda Cas halka afar kalena ay ka baxeen.

    Dhanka kale, xogta Kepler waxay muujinaysaa in wax ka yar 10 markab ay maalin kasta ka gudbeen marinka Hormuz intii lagu jiray dhammaadka usbuuca, inkastoo ay joogsadeen weerarradii is-dhaafsiga ahaa ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan.

    Sida ay Reuters sheegtay, Sabtidii waxaa marinka maray saddex markab oo damiyay qalabkooda gudbinta xogta. Axaddii, toddobo markab ayaa maray, kuwaas oo ay ku jireen saddex markab oo shidaal sida isla markaana lala xiriirinayo Iiraan, iyagoo ka baxay marinka.

  5. War deg deg ah, Trump oo joojinaya weerarradii Iran iyo Iran oo ka jawaabtay dhankeeda

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Mike Waltz, ayaa sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu joojiyay weerarradii lagu qaadayay Iran habeenkii labaad oo xiriir ah si waqti dheeraad ah loogu siiyo dadaallada diblomaasiyadeed.

    Wareysi uu Axaddii siiyay Fox News, Waltz wuxuu yiri: “Madaxweynuhu wuxuu siinayaa wadaxaajoodyada fursad, wuxuuna u oggolaaday geeddi-socodka wadaxaajoodka waqti dheeraad ah.”

    Dhankiisa, afhayeenka militariga Iran ayaa Axaddii sheegay in Tehran ay iyaduna hakisay weerarradii ay jawaabta uga bixinaysay gobolka.

    Hakadkan ayaa yimid kadib ku dhowaad laba toddobaad oo ay socdeen weerarro maalinle ah oo ay isweydaarsanayeen Mareykanka iyo Iran, kuwaas oo si dhab ah u soo afjaray xabbad-joojin la gaaray bishii Juun.

    Markii NBC weydiisay in Trump uu hadda ka tanaasulay sii hurinta colaadda, Waltz wuxuu ku jawaabay: “Anigu sidaas uma arko. Madaxweynuhu wuxuu weli miiska saarayaa dhammaan xulashooyinka.”

    Wuxuu sidoo kale beeniyay warbixin uu daabacay The New York Times, taas oo sheegtay in qaar ka mid ah saraakiisha maamulka ay ka digeen in sii xoogaysashada colaadda ay si khatar ah u yareyn karto kaydka sii dhammaanaya ee nidaamyada difaaca cirka ee Mareykanka.

    “Ciidamada Mareykanka waxay haystaan wax kasta oo ay u baahan yihiin si ay hawlgalkan ugu fuliyaan si hufan,” ayuu yiri Waltz.

    Ilaa habeenkii Axadda, Donald Trump si rasmi ah ugama uusan hadlin dhacdooyinkan ugu dambeeyay. Si kastaba ha ahaatee, saacado ka hor ayuu bartiisa Truth Social ku daabacay sawirro lagu sameyay AI, kuwaas oo muujinayay diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo duqeynaya maraakiibta Iran iyo Jasiiradda Kharg.

    Sii akhri: