BBC News, Somali - War
Wararka ugu waaweyn
TOOS, Iiraan: Waxaan burburinnay xarunta xogta ee Amazon ee Bahrain
Bayaanka IRGC ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu "iyagoo fulinaya mowjaddii 27-aad ee Hawlgalka Nasr 2, isla markaana dhammaystiraya hawlgalkoodii hore ee ka dhanka ahaa xarunta xogta ee shirkadda Mareykanka ah ee Amazon
Pakistaan oo digniin u dirtay Xuutiyiinta Yemen, kuna hanjabtay tallabo militari
Pakistan, oo dhex-dhexaadin ka dhex wada Mareykanka iyo Iran, ayaa sheegtay inay hoggaanka Iran kala hadasho dhammaan horumarrada gobolka, oo ay ku jiraan arrinta Xuutiyiinta Yemen, kadib wararka ku saabsan weerar ay Xuutiyiintu ku qaadeen markab shidaal oo Sacuudi ah oo marayay Badda Cas.
Britain oo sheegtay inay diyaar u tahay inay is difaacdo 24 saac ah kadib hanjabaaddii Iran
Dowladda Britain ayaa sheegtay inay "24 saac maalintii, toddobada maalmood ee usbuuca ay diyaar u tahay inay is difaacdo", kadib markii Iran ay sheegtay in saldhigyada Britain ee uu Mareykanku u adeegsado ay yihiin "bartilmaameedyo sharci ah."
"Marka maqalku lumo, dib uma soo noqdo." Waxyaabahan samee si aad uga badbaado in aad dhego-beesho
Khubaradu waxay sheegayaan in maqalku yahay wax aan dib loo soo celin karin marka uu qofku mar beelo; ma aha sida muruqyada oo kale oo jimicsi lagu soo celin karo.
Hubka Marinka Hormuz, caqabadda haysata Tehran iyo doorka Ilaalada Kacaanka
Kadib 13 maalmood oo weerarro iyo weerar-celis dhex maray Mareykanka iyo Iran oo ku saabsan gacan ku haynta marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Marinka Hormuz, waxay u muuqataa in hoggaanka Iran uu hadda wajahayo saddex waddo oo suurtagal ah, kuwaas oo midkoodna aanu dammaanad qaadayn guul fudud ama cad.
Ninka ka shaqeeya shaqada ugu halista badan adduunka
Shaqadiisu waxay tahay inuu ugu yaraan bishiiba hal mar kormeero goobahaas. Sida ay qortay majaladda New Scientist, shaqadan waxaa lagu tilmaami karaa
Saameyn intee la'eg ayey Weerarrada Baabul-Mandab ku yeelan karaan Soomaaliya?
Saameynta ay Soomaaliya ku yeelan doonto hanjaabadda Xuutiyiinta Yaman ee ku wajahan xiritaanka Baabul Mandam iyo maraakiibta ku socdaala Badda cas
Dhalashada Afar caruur mataano oo dunida ka yaabisay!
Sida uu sheegay Isbitaalka Royal Brisbane, uurkan wuxuu ahaa mid aad u naadir ah, isla markaana khatar badan lahaa intii ay uurka lahayd hooyada.
Maxay dadka qaar ay si lama filaan ah uga soo kacaan hurdada 3 habeennimo?
Sababo kala duwan ayaa internetka lagu sheegaa inay keenaan soo-kicidda saacadda 2-da ama 3-da subaxnimo – sida walwalka, hormoonnada, arrimaha ruuxiga ah ama dhibaatooyin caafimaad oo halis ah.
'Maxay galabsadeen?': BBC oo booqatay dugsi ku yaalla Iiraan halkaasoo duqeyn lagu dilay 120 carruur ah
Shan bilood ku dhowaad ayaa ka soo wareegtay, balse murugadu weli waa mid cusub oo aan bogsan, iyadoo macallin iyo hooyo ay dib u xusuusanayaan argagixii ka dhashay weerarkii ka dhacay Minab.
Maxay tahay daruurta la sheegay inay kusoo dhacday magaaladan Afrika ku taalla?
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii arrintani bilowday inay soo jiidato dareenka dadka safarka ah, kuwaas oo ka degaya gaadiidkooda kadibna gudaha u galaya si ay sawirro uga qaataan.
Trump oo shardi adag ku xiray dhaqangalinta heshiiskii tamarta nukliyeerka Niyukleerka ee Sacuudiga uu la galay
Trump oo shardi adag ku xiray dhaqangalinta heshiiskii tamarta nukliyeerka Niyukleerka ee sacuudiga uu la galay
BBC Somali kala soco TikTok
Ugu hor hel wararka iyo xogta naadirka ah
Wararka Soomaalida iyo Qurbaha
Fan iyo Dhaqan
BBC Somali waxaad ka heli kartaa WhatsAPP
Diin iyo Taariikh
Xul
Waa kuma Khalil al-Xayya, ninka ay Xamaas u magacowday hoggaamiyaheeda guud?
Hoggaamiyaha wadaxaajoodka ee kooxda hubaysan ee Falastiiniyiinta, kaas oo fadhigiisu yahay Qadar, ayaa beddelaya Yahya Sinwar, oo ay ciidamada Israa’iil ku dileen Gaza sannadkii 2024-kii.
Maraykanka oo qaaday duqeymo cusub oo ka dhan ah Iiraan, iyadoo Trump uu ka digay aargoosiga dilki askarta Maraykanka
Milateriga Maraykanka ayaa sheegay inuu qaaday wareeg kale oo duqeymo ah oo ka dhan ah Iiraan, si "loo sii wiiqo" awooddeeda ay ku weerari karto maraakiibta maraysa Marin-biyoodka Hormuz.
Afgambigii badalay dal dhan; sida Erdogan u qaabeeyay Turkiga muddo toban sano ah
Cawaaqib xumada ka dhalatay isku daygii afgambi ee 15 Luulyo 2016 ayaa beddeshay dhinac kasta oo siyaasadda Turkiga ah tobankii sano ee la soo dhaafay
Cumaan oo saluug ka muujinaysa doorka Maraykanka ee amniga bariga dhexe, dhaliishayna siyaasadda xakamaynta Iran
Wasiirka arrimaha dibadda ee Cumaan ayaa sheegay in dalku uusan lahayn ujeedo ah inuu ka tago xiriirkii taariikhiga ahaa ee uu la lahaa Mareykanka, laakiin fikraddiisa, "dhibaatadii dhawaan dhacday waxay muujisay in doorka quwadaha shisheeye ee gobolka loo baahan yahay in dib loo eego."
Halkee buu ku maqan yahay hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan Mojtaba Khamenei?
Mojtaba Khamenei, oo la sheegay in toddobaad gudihii ka dib dilkii aabbihii loo magacaabay hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Iiraan, ayaan weli ka soo muuqan fagaarayasha shacabka.
Maxaad ka taqaannaa dalalka Afrika ee Soomaaliya ay ku jirto ee lagu dhisay nidaamka kaligii-taliska?
Tobannaanihii sano ee la soo dhaafay, dowlado badan ayaa u weecday hannaan kali-talisnimo ah, iyagoo xakameynaya xorriyadda hadalka, cabburinaya cod kasta oo mucaarad ah, isla markaana maamulaya geeddi-socod kasta oo doorasho, haddii uu jiroba.
Qaabka loo aasay Ayatollah Cali Khamenei ma waafaqsan tahay Shareecada Islaamka?
Ka dib markii la shaaciyay geerida Hoggaamiyihii hore ee Sare ee Iiraan iyo dib u dhaca aaskiisa, su'aalo badan ayaa baraha bulshada laga keenay oo ku saabsan dib u dhigista iyo xukunnada Islaamka iyo kuwa sharciga khuseeya.
Netanyahu oo Trump uga cawday Madaxweyne Erdogan
Labada hoggaamiye ayaa khadka taleefanka ku wada hadlay ka dib Shir-madaxeedkii NATO. Sida laga soo xigtay AFP, Netanyahu wuxuu sheegay in "Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo xubnaha la socda ay sameeyeen hadallo su'aal gelinaya jiritaanka Dowladda Israa'iil iyo inay ku baaqayaan in la sameeyo aagag amni oo ku teedsan xuduudaha Israa'iil."
Puntland oo ku adkeysatay in aan maalgashi kalluumeysi laga sameyn karin xeebaheeda
Xiriirka Puntland iyo dowladda federaalka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay xumaa, iyadoo arrinta ugu weyn ee la isku diiddan yahay ay tahay wax ka beddelka dastuurka.
'Sidii Hitler oo kale, Putin cabsi ayaa haysa' maqaal laga qoray xaalka Putin
Maqaalka wuxuu ku bilaabmayaa xasuusinta isku daygii dilka ee caanka ahaa ee Hitler Luulyo 20, 1944, markii uu ka badbaaday qarax boorso ku jiray oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Ruushku boqolaal bambo uu si kama ah ugu dhuftay ciidiisa?
Inta badan hubka ay ridaan diyaaradaha Ruushku waa bambooyin la hago, bambooyin lagu qalabeeyay qalab cusub oo ay ku jiraan baalal laabma.
Trump oo cunaqabataynta ka qaadaya Turkiga iyo Netanyahu oo ka digaya in Ankara laga iibiyo diyaaradaha F‑35
Hoggaamiyeyaasha NATO waxay Talaadada iyo Arbacada ka kulmayaan si ay u dejinayaan Trump oo ka carooday jawaabta Yurub ee dagaalka Iran.














































































