Kuwait oo ku tilmaantay weerarrada joogtada ah ee ay geystaan "Iiraan iyo kooxaha ay taageerto" kuwo aan wax cudurdaar ah lahayn
Kaddib weerarro loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu beegsaday marinka xuduudda Al-Abdali ee u dhexeeya Kuwait iyo Ciraaq ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuwait waxa ay soo saartay bayaan ay si kulul ugu cambaareysay waxa ay ku tilmaantay "gardarrada foosha xun ee ay Iiraan iyo kooxaha ay taageerto ku hayaan dalka."
Bayaanka oo lagu daabacay barta X ayaa lagu sheegay in weerarradan ay si cad u jebinayaan madaxbannaanida Dawladda Kuwait, islamarkaana ay yihiin khatar toos ah oo ku wajahan amniga iyo xasilloonida dalka, kana hor imanayaan sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuwait ayaa sidoo kale sheegtay in sii socoshada weerarradan soo noqnoqda ay ka dhigan tahay korodh halis ah oo xiisadda gobolka ah, islamarkaana ay si toos ah u halis gelinayaan amniga iyo xasilloonida gobolka, iyagoo muujinaya hab abaabulan oo colaad iyo gardarro aan wax cudurdaar ah lahayn.











