Dowladda Suudaan: Itoobiya waxay joojisay korontadii ay u dhoofin jirtay Suudaan

Itoobiya

Xigashada Sawirka, SM

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Dowladda Suudaan ayaa ku eedaysay Itoobiya inay hakisay korontadii ay siin jirtay dalkaas, iyadoo sheegtay in tallaabadan ay sii xumaynayso dhibaatada koronto la'aanta ee ka jirta waddanka dagaalladu saameeyeen.

Wargeyska "Sudan Tribune", isagoo soo xiganaya Wasaaradda Tamarta iyo Batroolka Suudaan, ayaa sheegay in joojinta sahayda korontada ee Itoobiya ay noqotay sababta keentay koronto go'a joogtada ah iyo mugdiga baahsan ee toddobaadyadii la soo dhaafay ka jiray guud ahaan dalka.

Dowladda Itoobiya weli wax war ah kama aysan soo saarin tallaabada cusub ee Suudaan sheegtay inay qaadday. Si kastaba ha ahaatee, hore ayaa loo ogaa in sahayda korontada ay hoos u dhacaysay sababo la xiriira lacagaha adeegga korontada ee Suudaan ay ku guuldarraysatay inay Itoobiya bixiso.

Eedeyntan ay Suudaan soo jeedinayso waxay timid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Suudaan iyo Itoobiya.

Dowladda Suudaan ee uu hoggaamiyo milatarigu waxay marar badan ku eedaysay Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta inay taageeraan ciidamada hubaysan ee la dagaallamaya, kuwaas oo ay ku jirto RSF (Ciidamada Taageerada Degdegga ah).

Dhanka kale, Itoobiya waxay Suudaan ku eedaynaysaa inay taageerto oo hubayso kooxo hubaysan oo ka soo horjeeda Itoobiya, gaar ahaan ciidamada Tigrayga ee loo yaqaan "Army-70".

Intaa waxaa dheer, dowladda Itoobiya waxay horey ugu eedaysay dalalka deriska ah ee Eritrea, Masar, Suudaan iyo TPLF inay sameynayaan isbahaysi ka dhan ah Itoobiya.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, isagoo khudbad u jeedinayay xubnaha Golaha Wakiillada Shacabka, wuxuu soo hadal qaaday TPLF, Eritrea, Suudaan iyo Masar, wuxuuna sheegay in dhalinyaro badan oo Tigray ah ay ka qayb qaadanayaan dagaalka Suudaan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda si cad looma oga in koronto joojinta lagu eedeeyay Itoobiya ay tahay go'aan siyaasadeed oo si toos ah ugu xiran xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal, mise ay tahay dhibaato farsamo oo ka dhalatay dayn iyo burbur soo gaaray kaabayaasha korontada.

Ilo Itoobiyaan ah ayaa hore u sheegay in korontadii loo dhoofin jiray Suudaan ay hoos u dhacday ilaa 80%, waxaana la sheegay in arrintan ay sabab u tahay burbur weyn oo ka dhacay kaabayaasha korontada, gaar ahaan khadadka gudbinta korontada, sababo la xiriira dagaalka sokeeye ee ka socda Suudaan.

Sidoo kale, warbixinno kale ayaa tilmaamaya in Suudaan, iyadoo ay hayso xaalad dhaqaale oo aad u adag, ay muddo saddex sano oo xiriir ah awoodi weyday inay bixiso lacagihii korontada, taasoo keentay in dayn lagu qiyaasay in ka badan 90 milyan oo doollar oo Maraykan ah ay ku ururto.

Waxaa la og yahay in Itoobiya ay billowday dhoofinta joogtada ah ee korontada ay u dirto Suudaan bishii Febraayo 2012. Tani waxay timid kaddib markii la dhammeeyay khad gudbin koronto oo lagu dhisay taageero dhaqaale oo ka timid Bangiga Adduunka, kaasoo awood u siinayay in ku dhowaad 100 megawatt oo koronto ah loo gudbiyo Suudaan.

Sidaas darteed, Suudaan waxay noqotay dalka labaad ee deriska ah ee ka faa'iidaysta korontada Itoobiya kaddib Jabuuti. Waqtigan xaadirka ah, Itoobiya waxay qayb ka mid ah istaraatiijiyaddeeda isku-xirka tamarta gobolka awgeed koronto siisaa sidoo kale Jabuuti iyo Kenya.

Suudaan tan iyo Abriil 2023 waxay ku dhex jirtaa dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daatay, kaas oo u dhexeeya Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan oo uu hoggaamiyo Jeneraal Cabdifataax Al-Burhaan iyo Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) ee uu hoggaamiyo Jeneraal Maxamed Xamdaan Daagalo (Hemedti).

Dagaalkan oo socday ku dhowaad saddex sano ayaa burburiyay inta badan kaabayaasha dalka, oo ay ku jiraan xarumaha korontada, khadadka gudbinta korontada, nidaamyada biyaha iyo isbitaallada.

Koronto go'a hadda socda ayaa la filayaa inuu sii kordhiyo dhibaatada shacabka Suudaan oo horey ugu jiray xaalad bani'aadamnimo oo aad u daran iyo gaajo.