Kaalintee Soomaaliya kaga jirtaa 10-ka dal ee ugu farxadda badan Afrika sannadka 2026?

Gabadh Soomaaliyeed

Xigashada Sawirka, Corbis via Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Farxadda shacabka dal ma aha mid ku xiran oo keliya hantida dhaqaale ee uu leeyahay dalkaas, taasi waa gunaanadka laga soo saaray Warbixinta Farxadda Adduunka 2026 oo ah daraasad sannad kasta la daabaco iyadoo taageero ka helaysa Qaramada Midoobay, isla markaana lagu cabbiro heerka qanacsanaanta nolosha ee dadka ku nool in ka badan 140 dal.

Warbixintu inta abdan waxay ku salaysan tahay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin:

  • Dakhliga soo gala qof kasta
  • Sida ay bulshada isku taageeraan
  • Cimriga caafimaadka lagu noolaado inta badan bulshadaas
  • Xorriyadda qofku u leeyahay inuu go'aannadiisa gaaro
  • Deeqsinimada
  • Iyo aragtida musuqmaasuqa.

Afrika gudaheeda, tobanka dal ee ugu sarreeya waxay leeyihiin duruufo kala duwan, qaar waxay kaalintooda ku gaareen dhaqaale xasilloon, halka kuwo kalena ay ku muteysteen xiriirka bulshada oo adag ama tayada adeegyada dowladda.

Mauritius, Liibiya iyo Aljeeriya ayaa mar kale noqday dalalka ugu sarreeya qaaradda. Waxay wadaagaan astaamo ay ka mid yihiin cimri-dhererka bulshooyinka, adeegyo dowladeed oo wanaagsan iyo dakhli ka sarreeya celceliska Afrika.

Mozambique iyo Gabon ayaa soo buuxiyay shanta dal ee ugu horreeya, halka Ivory Coast, Cameroon, Koonfur Afrika, Niger iyo Tunisia ay dhammeystireen tobanka dal ee ugu farxadda badan Afrika.

Caalama ahaan waxaa weli booskeedii kaalinta kowaad xejisaneysa Finland, sannadkii sagaalaad oo xiriir ah, taasoo xaqiijinaysa hoggaanka waddamada Waqooyiga Yurub ee qiimeynta farxadda dunida.

Warbixinta Farxadda Adduunka 2026 waxaa la daabacay 19-kii Maarso 2026 waxaana soo saaray Xarunta Cilmi-baarista Fayo-qabka ee Jaamacadda Oxford, iyadoo iskaashi lala sameeyay Gallup, Shabakadda Xalka Horumarka Waara ee Qaramada Midoobay (SDSN) iyo guddi madax-bannaan oo saynisyahanno ah.

Warbixintu waxa ay sidoo kale bixineysaa sawir guud oo ku saabsan fayo-qabka dadka ku nool in ka badan 140 dal.

1.Mauritius

Mauritius ayaa kaalinta 73-aad kaga jirta caalamka, waxayna sii adkeesatay kaalinta 1aad ee dalka ugu farxadda badan Afrika.

Jasiiraddan Badweynta Hindiya ku taalla waxaa lagu yaqaannaa xasillooni siyaasadeed, maamul wanaagsan iyo dhaqaale kala duwan oo ku tiirsan dalxiiska, adeegyada maaliyadda, tiknoolajiyadda iyo warshadaha.

Waxay sidoo kale dadka ku nool leeyihiin cimri-dherer ka mid ah kuwa ugu sarreeya Afrika, adeeg caafimaad oo la heli karo iyo heer waxbarasho oo wanaagsan. Arrimahan oo ay weheliso deegaan dabiici ah oo si wanaagsan loo ilaaliyay ayaa sare u qaada dareenka fayo-qabka ee shacabka Mauritius.

2. Liibiya

Caasimadda Liibiya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Liibiya ayaa kaalinta labaad kaga jirta Afrika, halka ay caalamka ka gashay kaalinta 81-aad.

Inkasta oo ay sannado badan la daalaa-dhacaysay colaado siyaasadeed iyo kuwo amni darro, warbixintu waxay muujisay in shacabka Liibiya ay weli muujiyaan heer sare oo qanacsanaan nololeed ah.

Cilmi-baarayaashu waxay arrintan ku sababeeyeen xiriirka qoysaska oo xooggan, isku xirnaanta bulshada iyo iskaashiga bulshada oo door weyn ka ciyaara dareenka farxadda.

3. Aljeeriya

Aljeeriya waxay gashay kaalinta saddexaad ee Afrika iyo kaalinta 83-aad ee caalamka.

Dalku wuxuu leeyahay nidaam ilaaliya bulsadao oo horumarsan, waxbarasho iyo caafimaad si weyn loo kabay, iyo dhaqaale ka faa'iidaysta dakhliga shidaalka iyo gaaska.

Xiriirka qoysaska oo dhaqanka Aljeeriya si weyn ugu xooggan ayaa sidoo kale ka mid ah waxyaabaha kor u qaada daganaanta qofka iyo bulshadaba.

4. Mozambique

Mozambique ayaa gashay kaalinta 93-aad ee caalamka, waana mid ka mid ah dalalka kor u kacay marka la eego qiimeynta Afrika.

Inkasta oo uu weli wajahayo saboolnimo, masiibooyin dabiici ah iyo dhibaatooyin amni, warbixintu waxay tilmaamaysaa in xiriirka bulshada, iskaashiga bulshada iyo adkeysiga ay si weyn u kordhiyaan dareenka fayo-qabka.

5. Gaaboon

Gaaboon ayaa gashay kaalinta shanaad ee Afrika iyo kaalinta 96-aad ee caalamka.

Dakhliga saliidda ayaa ka dhigay mid ka mid ah dalalka Afrika ugu dakhliga badan. Waxa kale oo uu leeyahay dhul kaymo badan leh, dad tiro yar, halka magaalooyinka aysan aad u baahsayn.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay xustay in sinnaan la'aanta dhaqaalaha ay weli sarreyso, taas oo ka hor istaagta in dhammaan shacabka ay si siman uga faa'iidaystaan khayraadka dalka.

6. Ivory Coast

Haween

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ivory Coast ayaa gashay kaalinta 98-aad ee caalamka.

Tobankii sano ee la soo dhaafay waxay noqotay mid ka mid ah dhaqaalaha ugu kobaca badan Galbeedka Afrika, iyadoo maalgelin ballaaran lagu sameeyay kaabeyaasha dhaqaalaha, gaadiidka iyo tamarta.

Kobocaasi wuxuu gacan ka geystay hagaajinta heerka nololeed, inkastoo farqiga dakhliga iyo qiimaha maciishadda ay weli walaac yihiin.

7. Kaamiruun

Kaamiruun ayaa gashay kaalinta 100-aad ee caalamka.

Dhaqaalaheedu wuxuu ku tiirsan yahay beeraha, saliidda, macdanta iyo adeegyada.

Warbixintu waxay sheegtay in xiriirka qoysaska iyo iskaashiga bulshada ay door weyn ka ciyaaraan qanacsanaanta dadka, inkastoo ay jiraan dhibaatooyin dhaqaale iyo amni oo ka jira gobollada qaarkood.

8. Koonfur Afrika

Koonfur Afrika ayaa gashay kaalinta siddeedaad ee Afrika iyo kaalinta 101-aad ee caalamka. Waxay leedahay dhaqaalaha warshadaha ugu horumarsan Afrika, kaabayaal casri ah iyo jaamacado sumcad leh.

Hase yeeshee, dalkaan waxaa faa'iidooyinkaas waxaa ka wiiqaya shaqo la'aan sare, sinnaan la'aan dhaqaale iyo dambiyada ka dhaca dalkaas oo dambiyo oo saameeya tayada nolosha.

9. Niger

Bulsho

Xigashada Sawirka, Getty Images

Niger ayaa gashay kaalinta 103-aad ee caalamka, waxayna muujisay in farxaddu aysan ku xirnayn oo keliya dakhliga.

Inkasta oo uu ka mid yahay dalalka dhaqaalahoodu ugu yar yahay dunida, cilmi-baarayaashu waxay aaminsan yihiin in xiriirka qoysaska, iskaashiga deriska iyo dhaqamada bulshada ay sare u qaadaan dareenka qanacsanaanta.

10. Tuunisiya

Tuunisiya ayaa soo gashay dalka tobonaad ee ugu farxadda badan Afrika iyadoo gashay kaalinta 105-aad ee caalamka.

Waxay weli leedahay heer waxbarasho oo wanaagsan, nidaam caafimaad oo horumarsan iyo taariikh dheer oo maalgelinta adeegyada bulshada ah.

Hase yeeshee, kobaca dhaqaale ee gaabiska ah, shaqo la'aanta iyo hubanti la'aanta siyaasadeed ayaa weli hoos u dhigaya niyadda qayb ka mid ah shacabka.

Soomaaliya oo kamid ah dalalka dhaca Bariga Afrika ayaanan kasoo muuqan liiska hore ee dalalka tobanka ah ee ugu horreeya qaaradda, waxa ayna kasoo gashay duni ahaa kaalinta 117, inkasta oo ay ka horreyso Itoobiya oo ku jirta kaalinta 137aad.

Maxaa dalal dhaqaale ahaan sabool u ah uga dhigay kuwa ugu sarreeya farxadda?

Suuq

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sidee ayay dalal sida Mozambique ama Niger uga hor mari karaan dalal dhaqaale ahaan ka qanisan? Jawaabtu waxay ku jirtaa habka loo diyaariyo warbixinta.

Si ka duwan waxa dad badani rumaysan yihiin, warbixintu ma cabbirto hantida qaranka, balse waxay cabbirtaa sida dadka dalku ay iyagu u qiimeeyaan noloshooda.

Qiimeyntu waxay inta badan ku salaysan tahay jawaabta dadka deggan dalka ee su'aashan fudud:

"Sidee ayaad u qiimeynaysaa noloshaada marka lagu cabbiro heer u dhexeeya 0 ilaa 10?"

Natiijooyinka waxaa laga soo ururiyay celceliska sahannadii Gallup ee saddexdii sano ee u dhexeeyay 2023 ilaa 2025.

Kadib cilmi-baarayaashu waxay falanqeeyaan lix arrimood oo sharxaya kala duwanaanshaha dalalka:

  • Wax-soo-saarka guud ee qofkiiba dal kasta
  • Sida ay isku taageeraan bulshada
  • Cimriga caafimaadka lagu noolaado
  • Xorriyadda lagu gaari karo go'aannada nolosha
  • Deeqsinimada
  • Aragtida musuqmaasuqa.

Warbixintu waxay ugu horrayn cabbirtaa sida dadka ay u arkaan tayada noloshooda.

Taas macnaheedu waa in dal uu yeelan karo dhaqaale aan weynayn, balse uu leeyahay isku duubni qoys oo adag, xiriir bulsho oo xooggan iyo is-caawin sare, kuwaas oo si weyn u kordhiya dareenka fayo-qabka.

Laba dal oo leh heer dhaqaale oo isku dhow ayaa sidaas darteed yeelan kara kala duwanaansho weyn oo dhanka qanacsanaanta ah, iyadoo ay sabab u yihiin tayada hay'adaha dowladda, kalsoonida shacabka, amniga, xiriirka qoysaska ama rajada mustaqbalka.

Sida ay qabaan cilmi-baarayaashu, tani waxay xusuusinaysaa in horumarku aanu ku koobnayn koboca dhaqaalaha oo keliya. Fayo-qabku wuxuu sidoo kale ku xiran yahay arrimo bulsho, siyaasadeed iyo bani'aadamnimo oo mararka qaarkood adag in la cabbiro, balse lama huraan u ah tayada nolosha.

Warbixinta 2026 waxay sidoo kale iftiimisay arrin kale oo muhiim ah, fayo-qabka dhalinyarada, qoraalkan sannadkan wuxuu si gaar ah diiradda u saarayaa saameynta baraha bulshada ay ku leeyihiin qanacsanaanta nolosha.