Waa maxay Uranium-ka la xoojiyay? Maxayse muran ugu keenaysaa heshiiska nukliyeerka ee Mareykanka iyo Sacuudiga?

Xigashada Sawirka, Bloomberg via Getty Images
Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa saxiixay heshiis taariikhi ah oo la sheegay inuu u oggolaanayo Sacuudiga inuu gudihiisa ku hodmiyo birta uranium-ka.
Uranium-ku waa bir dabiici ah oo laga qodo dhulka. Waa curiye laga helo dhagaxa iyo ciidda.
Wasaaradda Tamarta ee Mareykanka ayaa sheegtay in heshiiska labada dal uu yahay mid ballan qaad ah in tiknoolajiyadda nukliyeerka loo isticmaali doono nabadda oo kaliya, ee aan loo isticmaalin hub.
Waxay sidoo kale sheegeen in heshiisku fursad weyn siin doono shirkadaha Mareykanka si ay uga faa'iidaystaan barnaamijka tamarta nukliyeerka ee Sacuudiga.
Sacuudigu wuxuu heshiiskan ku dhisi doonaa barnaamij nukliyeer oo rayid ah. Qoraalka buuxa ee heshiiska weli lama shaacin.
Uranium-ka la hodmay waxaa loo isticmaali karaa shidaal loogu talagalay warshadaha tamarta, laakiin sidoo kale waxaa looga samayn karaa bambooyinka nukliyeerka. Taasi waxay khubarro badan ka dhigtay inay ka digaan in heshiiskani khatar ku keeni karo faafitaanka hubka nukliyeerka ee gobol markii horeyba ahaa mid aan xasilloonayn.
Arinta nukliyeerka ayaa sidoo kale ahayd sababta ugu weyn ee khilaafka dhexmaray Mareykanka iyo Israa'iil oo isku dhinac ah, iyo dowladda Iiraan muddooyinkii la soo dhaafay. Labada dal waxay sheegeen in mid ka mid ah sababaha ay Iiraan u weerareen ay ahayd in laga hortago in Iiraan ay yeelato hub nukliyeer, inkasta oo Iiraan ay diiday inay taasi qorsheynayso.
Ma loo oggolaan doonaa Sacuudiga inuu hodmiyo uranium-ka?
Sida Wasaaradda Tamarta ee Mareykanka sheegtay, Mareykanku wuxuu heshiisyo la galay ku dhawaad 50 dal. Heshiisyadaas waxaa loo yaqaanaa 'heshiisyada wada-shaqaynta nabadeed ee nukliyeerka'.
Heshiisyadan waxay oggol yihiin in dalalkaas la siiyo agabka nukliyeerka sida shidaalka, warshadaha korontada ee nukliyeerka, iyo tignoolajiyada. Waxay kaloo oggol yihiin in labada dhinac ay wada sameeyaan cilmi-baarista.
Laakiin ilaa hadda kaliya laba dal ayaa loo oggolaaday inay gudaha dalkooda ku hodmiyaan uranium-ka: Hindiya iyo Jabaan. Xitaa jaarka Sacuudiga ee Imaaraadka Carabta lama oggolaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxay khubarradu uga walaacsan yihiin?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Rosemary Kelanic oo ah agaasimaha barnaamijka Bariga Dhexe ee machadka Defense Priorities ayaa tiri: "Waa wax naxdin leh haddii Mareykanku u ogolaado Sacuudiga inuu gudihiisa ku hodmiyo uranium-ka. Marna ma uusan caawin dal kale inuu sidaas sameeyo. Sababtu waa haddii aad naftaada u samaysato shidaalka nukliyeerka, waxaad noqonaysaa khatar weyn oo ku saabsan samaynta hubka nukliyeerka."
Sababta 1: Haddii aad taqaan sida loo hodmiyo, waxaad uu dhowdahay bamka. Marka dal uu barto sida loo "hodmiyo" uranium, faraqiga u dhexeeya shidaalka warshadda 5% iyo bamka 90% ma aha mid weyn.
Waa sida inaad siiso qof digsi iyo gas. Waxaa uu ku karin karaa bariis laakiin sidoo kale wuu ku karin karaa wax kale.
Markaa haddii Sacuudiga la siiyo farsamada, wuxuu go'aan keliya u jiraa inuu ka sameeyo bam.
Sababta 2: Mareykanku waligiis taasi may samayn
Mareykanku wuxuu horey heshiisyo la galay 50 dal. Laakiin dhammaan waxaa lagu shurudeeyay: "shidaalka ka soo iibso dal kale, adiguna ha hodmin".
Kaliya Hindiya iyo Jabaan ayaa laga dhaafay. Xitaa Imaaraadka oo Sacuudiga jaarkiis ah lama oggolaan.
Markaa haddii Sacuudiga la oggolaado, waa markii ugu horeysay. Taasi waxay jebinaysaa qaanuun muddo dheer socday.
Sababta 3: Gobolka oo dhan wuu raaci doonaa. Bariga Dhexe horey ayuu u ahaa meel aan xasiloonayn. Iiraan, Israa'iil iyo kuwa dersika ahba dhammaantood waxay ka shakisan yihiin midba midka kale.
Haddii Sacuudiga uu helo awoodda hodmidda, Iiraan waxay oran doontaa "annagana na sii". Kadib dal kale.
Taasi waxaa la yiraahdaa "faafitaanka hubka nukliyeerka"- oo ah waxa dunidu ugu cabsato.
Marka la soo koobo erayadeeda: "Haddii aad naftaada u soo saarto shidaalka, waxaad gacanta ku haysataa furaha bamka."
Sidee loo xoojiyaa Uranium-ka?
Uranium-ku waa curiye laga helo dhulka. Waxaa ugu badan laba nooc: U-238 iyo U-235.
In ka badan 99% waa U-238 oo aan tamar badan dhalin. Kaliya 0.7% waa U-235 oo si fudud u kala dillaaca oo tamar sii daaya.
Si uranium-ku uu faa'iido u yeesho, waa in saamiga U-235 la kordhiyaa. Habkaas waxaa la yiraahdaa "hodmid ama xoojin".
Marka hore uranium waxaa loo beddelaa gaas. Kadib waxaa la geliyaa mashiinno aad u dheereeya oo la yiraahdo "centrifuge".
Centrifuge waa mashiinka kala saara uranium-ka culus iyo kan fud si loo helo shidaalka nukliyeerka.
Markay wareegayaan, U-238 oo culus ayaa dibadda u taga, halka U-235 oo fud uu bartamaha ku haro. Sidaas ayaa U-235-ka wanaagsan lagu kala saaraa oo laga uruuriyaa.
5. Waa maxay farqiga u dhexeeya uranium-ka warshadda iyo kan bamka?
Nooca Boqolleyda U-235 Waxaa loo isticmaalaa
Uranium-ka si yar loo hodmay 3% - 5% Warshadaha korontad - waa ammaan oo falcelin la xakameeyay
Uranium-ka aadka loo hodmay 20%+ Reactors-ka cilmi-baarista
Uranium-ka heerka hubka 90% Bamka Nukliyeerka - falcelin isla markiiba ka baxaysa xakamaynta
Reactor-ka waxaa loogu talagalay in falcelintu si tartiib ah u socoto si koronto loo helo.
Bamka waxaa loogu talagalay in uu hal mar qaraxo si tamar aad u badan loo sii daayo.
Ma dhisi doonaa Sacuudigu bam nukliyeer ah?
22kii July, Mareykanku wuxuu sheegay in heshiiska ay la socoto "heshiis dammaanad qaad labo geesood ah". Heshiiskaas waxaa loogu talagalay in laga hortago faafitaanka hubka nukliyeerka.
Dowladda Sacuudiga ayaa tiri heshiisku waa sii wadista wada-shaqayntii hore ee dhanka tamarta. Waxay xuseen booqashadii dhaxal-sugaha Bin Salman ee Washington bishii Nofambar ee la soo dhaafay.
Bin Salman sannadkii 2018 wuxuu u sheegay wargayska CBS: "Annagu bambo ma rabno. Laakiin shaki la'aan haddii Iiraan ay samayso bam nukliyeer, annaguna isla markiiba waan raaci doonnaa."
Waa muhiim in la ogaado in Sacuudigu uu tan iyo 2010 isku dayay inuu yeesho barnaamij nukliyeer oo rayid ah. Laakiin ilaa hadda ma laha wax warshad nukliyeer ah oo shaqeysa. Sida Ururka Nukliyeerka Adduunka sheegay, Sacuudigu weli ma soo saaro wax tamar nukliyeer ah.













