You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
"Iiraan waxay ku soo duushay Ingiriiska, balse Burnham weli ma oga." - maqaal uu daabacay The Telegraph
Iran iyo Maraykanka oo sheegay 'in ay dib u bilaabayaan wadahadalada'
Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa, iyadoo soo xiganaysa ilo ka tirsan dowladda Pakistan, sheegtay in Mareykanka iyo Iiraan ay ka jawaabeen soo-jeedin wadajir ah oo ka timid Islamabad iyo Doha oo ku saabsan soo afjaridda dagaalka.
Iyagoon bixin faahfaahin ku saabsan jawaabaha ka yimid Tehran iyo Washington, ilahaas ayaa sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen wadahadal iyo diblomaasiyad lagu soo afjarayo colaadda, isla markaana dib loogu noqonayo miiska wadahadalka.
Mas'uul xog-ogaal ah ayaa u sharraxay Wakaaladda Anadolu in Pakistan iyo Qatar ay maalmihii la soo dhaafay u gudbiyeen Iiraan iyo Mareykanka qorshe wadajir ah oo lagu yareynayo xiisadda; qorshahaas oo soo jeedinaya in labada dhinac, iyagoo qaadaya "tallaabada ugu horreysa," ay ku soo laabtaan xaaladdii ka horreysay markii uu dagaalku dib u qarxay 17 maalmood ka hor, ayna dib u billaabaan wadahadallada.
Weerarradii Mareykanka iyo jawaabtii Iiraan ee ku aaddanayd ayaa istaagay laba maalmood ka hor.
Dhowr warbaahinta Mareykanka ah ayaa soo weriyay in Donald Trump uu go'aansaday inuusan sii xoojin doonin weerarrada milateri ee ka dhanka ah Iiraan—ugu yaraan xilligan—iyadoo dhanka kalena milateriga Iiraan ay xaqiijiyeen in ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay joojiyeen weerarradooda, maadaama istiraatiijiyadda Iiraan ee xilligan dagaalka ay ahayd mid ku salaysan "aargoosi."
Halkan kasii Akhri warar dheeraad ah:
Maxaa keenay in saacaddu noqoto 60 daqiiqo, maxaase keenay inay fashilmaan dadaalladii lagu doonayay In loo beddelo 100 daqiiqo?
Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen daroon lagu sameeyay Turkiga oo Sacuudigu isticmaalayay
Yahya Saree, oo ah afhayeenka xoogaga Xuutiyiinta Yemen, ayaa ku qoray bogga X in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan 'bayraktar akıncı' oo ah nooca sahanka ee Turkiga, taasoo ay ciidamada Sucuudigu u adeegsadeen "hawlgallada cadawga ee hawada gobolka Al-Jawf" lagu soo riday "hub ku habboon".
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Xuuthiyiinta ay ka jawaabi doonaan cid kasta oo ku xad gudubta madax banaanida, awoodna ay u leeyihiin.
Xuutiyiinta Yemen ayaa shalay sheegay inay duqeymo cirka ah la beegsadeen xarumaha Shidaalka ee Aramco iyo halka laga soo saaro Shidaalka Yanbu ee dalka Sacuudiga.
Halkan kasii Akhri warar dheeraad ah:
Xuduudda Ciraaq iyo Kuwait oo dib loo furay
Hay'adda Maamulka Xuduudaha ee Ciraaq ayaa ku dhawaaqday in dib loo furay marinka xuduudeedka ugu weyn ee ay la wadaagto Kuwait.
Marinka Abdali ayaa la xiray ka dib markii Khamiistii lagu qaaday weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone).
Weerarradan ayaa sababay khasaare hantiyeed.
Aagga Abdali ee Gobolka Jahra, oo ku yaalla waqooyiga Kuwait, ayaa ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee isu-socodka rakaabka iyo gaadiidka ganacsiga ee u dhexeeya Ciraaq iyo Kuwait.
Ma cadda cidda ka dambeysay weerarradaas.
Maxay magaalooyinkani u yihiin meelaha ugu wanaagsan adduunka ee lagu noolaado?
Aqalka Cad: Wali ikhtiyaaro badan oo Iran la xiriira ayaa miiska noo saaran
Ka dib markii warbaahinta Mareykanka ay baahisay in Donald Trump uu ka gaabsaday inuu sii xoojiyo hawlgallada milateri ee ka dhanka ah Iran xilligan, Aqalka Cad ayaa hoosta ka xariiqay in "dhammaan fursada" la xiriira Iran ay weli miiska saaran yihiin.
"Madaxweynuhu mar walba wuxuu sheegaa inuu doorbidayo xal diblomaasiyadeed, laakiin haddii Iran ay sii waddo falalka argagixisanimo ee ka dhacaya marinka Hormuz ama kuwa ka dhanka ah xulafadeenna, [Donald Trump] weli dhammaan dookhyadiisa way u furan yihiin," ayuu yiri agaasimaha isgaarsiinta Aqalka Cad, Steven Chung, oo la hadlayay Fox News.
Mr. Chung ayaa intaas ku daray: "Ka dib cunaqabatayn guulaysatay oo curyaamisay dhaqaalaha Iran iyo 13 maalmood oo xiriir ah oo lagu qaadayay weerarro ka dhan ah bartilmaameedyada milateri [ee Iran] iyadoo laga jawaabayo falalka cadawtinimo ee soo noqnoqday, waxaa Iran u haboon inay heshiis gasho, haddii kale way og yihiin waxa dhici doona."
Wargeysyada New York Times, Axios, CNN, iyo wakaaladda Associated Press ayaa soo weriyay in Donald Trump uu go’aansaday inuusan sii xoojin duqeymaha milateri ee Mareykanka uu ku hayo Iran, ugu yaraan xilligan.
Sida ay sheegeen warbaahintan, go’aankan ayaa la qaatay maalintii Jimcaha ka dib markii saraakiishu ay walaac ka muujiyeen hoos u dhaca ku yimid kaydka gantaallada difaaca ee Patriot iyo suurtagalnimada in laga fogaado xulafada Carabta ee Mareykanka ku leeyahay Gacanka Persian-ka.
Halkan kasii Akhri warar dheeraad ah:
Warbaahinta Mareykanka: Trump ayaa joojiyay sii xoojinta weerarrada ka dhanka ah Iran.
Warbaahinta kala ah The New York Times, Axios, CNN, iyo Associated Press ayaa soo weriyay in Donald Trump uu go’aansaday inuusan sii xoojin weerarrada milateri ee Mareykanka uu ku hayo Iran, ugu yaraan xilligan la joogo.
Sida ay sheegeen warbaahintan, go’aankan ayaa la qaatay maalintii Jimcaha ka dib markii saraakiishu ay walaac ka muujiyeen hoos u dhaca ku yimid kaydka gantaallada difaaca ee Patriot iyo suurtagalnimada in xulafada Carabta ee Mareykanka ee ku yaalla Gacanka Carabta ay ka fogaadaan mowqifka Mareykanka.
Aqalka Cad weli si rasmi ah uma xaqiijin wararkaas, balse wuxuu sheegay in Mr. Trump uu mar walba doorbido xal diblomaasiyadeed.
Habeenkii Jimcaha ayaa ahaa habeenkii ugu horreeyay muddo ku dhow laba toddobaad oo uusan Mareykanku qaadin weerar xagga cirka ah oo lagu beegsanayo Iran, sidoo kalena lama soo werin wax weerar ah habeenkii Sabtida.
Halkan kasii Akhri warar dheeraad ah:
Dhulgariir cabirkiisu yahay 6.4 oo ku dhuftay Iran
Xarunta Cilmi-baarista Dhulgariirrada ee Iran ayaa shaacisay in subaxnimadii Axadda uu dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.4 uu ka dhacay meel u dhow Bardsir oo ka tirsan Gobolka Kerman.
Dhulgariirka ayaa la diiwaangeliyay saacaddu markay ahayd 3:46-kii subaxnimo, wuxuuna ka dhacay qoto dhan 10 kiiloomitir ah.
Xuddunta dhulgariirka ayaa ahayd meel u dhow Bardsir, taas oo u jirta 22 kiiloomitir magaalada Negar, 36 kiiloomitirna u jirta magaalada Baghin.
Agaasimaha Guud ee Maareynta Xaaladaha Degdegga ah ee Gobolka Kerman ayaa sheegay in dhulgariirkani uusan geysan wax khasaare nafeed ama mid hantiyeed ah.
Halkan kasii Akhri warar dheeraad ah:
Waa tuma Afrah Al-Zuba, haweeneydii ugu horreysay ee madax ka noqota Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Yemen?
War cusub oo ka soo kordhay weerarkii Berlin iyo magaca tumnaha oo la shaaciyey
Booliiska Berlin ayaa shaaciyay in tuhmanaha lagu magacaabo Abdul B., oo ah nin 21 jir ah oo caato ah lehna timo madow. Waxay sheegeen inuu xirnaa funaanad madow oo koofiyad leh iyo surwaal cad.
Sida lagu sheegay bayaanka booliiska, waxaa lagu tuhunsan yahay inuu dhaawacay dhowr qof oo ku sugnaa deegaanka Tiergarten, isla markaana uu weli baxsad yahay.
Booliisku waxay intaas ku dareen:
"Waxaa la rumeysan yahay in hal ama in ka badan oo qof ay ka carareen gaariga kadib dhacdada."
Waxay sidoo kale sheegeen: "Waxaa intaa dheer, waxaa la soo sheegay in dhowr qof lagu dhaawacay hub af leh."
Halkan kasii Akhri warar dheeraad ah:
Waxa booliisku ka sheegeen tuhmanaha weerarka Berlin
Bayaan ay ku daabaceen baraha bulshada saacaddu markay ahayd 06:58, Booliiska Berlin ayaa sheegay inay aqoonsadeen tuhmane lab ah oo hore ay u yaqaaneen.
Waxay sheegeen in ninkan uu xiriir la leeyahay fikirka xagjirka ah.
Si kastaba ha ahaatee, booliisku wali ma aysan qaban tuhmanaha, mana aysan shaacin waxa uu ahaa ujeeddada ama sababta ka dambeysay weerarka. Waxay sidoo kale xaqiijiyeen in baadigoobka lagu raadinayo tuhmanaha uu weli socdo.
Halkan kasii Akhri warar dheeraad ah:
Wararkii ugu dembeeyey ee gaari la jiirsiiyey dad ku sugnaa munaasabad magaalada Berlin ee dalka Jarmalka
Hal qof ayaa ku dhintay, 16 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii gaari lagu jiirsiiyay dad ku sugnaa munaasabadda Pride ee Berlin, sida ay booliisku sheegeen.
- Gaari caddaan ah ayaa fiidnimadii Sabtida abbaaro 10:00 habeenimo (22:00 waqtiga maxalliga ah) lagu dhex waday dad isugu yimid munaasabadda Pride ee Berlin.
- Hal qof ayaa dhintay, 16 kalena way ku dhaawacmeen dhacdada ka dhacday beerta Tiergarten.
- Booliiska ayaa sheegay in gaarigu uu ahaa baabuur yar oo nooca minivan ama SUV-ga yar ah, waxaana laga helay isagoo laga tagay gudaha Tiergarten, halkaas oo uu u muuqday inuu geed ku dhacay, sida afhayeen u sheegay wakaaladda AFP.
- Booliiska ayaa wada baadigoob xooggan oo ka socda guud ahaan Berlin, waxayna markhaatiyaasha ka codsadeen inay soo gudbiyaan sawirro ama muuqaallo ay ka hayaan dhacdada.
- Aagga baaritaanka wuxuu ku fidsan yahay magaalada Berlin oo dhan, iyadoo kumannaan askari la geeyay, lana adeegsanayo diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kaamirooyinka
- Booliisku waxay sheegeen inay aqoonsadeen tuhmane lab ah oo hore ay u yaqaaneen, isla markaana ay ku tilmaameen inuu xiriir la leeyahay fikirka xagjirka ah, hase yeeshee weli lama soo qaban.
- Duqa magaalada Berlin, Kai Wegner, ayaa dhacdadan ku tilmaamay "weerar lagu qaaday bulshadeenna xorta ah ee furfuran."
- Ra'iisul Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa ku tilmaamay "fal argagax leh", isagoo ballan qaaday in si buuxda loo baari doono dhacdada, lana ciqaabi doono cidda ka dambeysa.
Waxa aan weli la ogeyn:
- Sababta ama ujeeddada darawalka.
- In tuhmanayaal kale ay ku lug lahaayeen iyo in kale.
Sababta uu tuhmanuhu hore uga diiwaangashanaa booliiska.
Halkan kasii Akhri warar dheeraad ah:
Trump oo soo saaray war ka duwan kuwii hore oo ku saabsan Iiraan iyo wararkii ugu dembeeyey ee xiisadda Bariga Dhexe
Xuutiyiinta ayaa bartilmaameedsaday xarumaha saliidda ee Sacuudiga ka dib markii Riyaad ay duqeymo ka fulisay Yemen
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Abbas Araqchi ayaa sheegay in "isku dhaca Yemen aan lagu xallin karin si militari," ka dib markii Xuutiyiinta Yemen ay sheegteen mas'uuliyadda weerar gantaal ah oo lagu qaaday Sacuudi Carabiya Sabtidii, iyagoo ka jawaabaya duqeymo ay boqortooyadu ku qaadday bartilmaameedyadooda, iyadoo ay sii kordhayaan baaxadda dagaalka Bariga Dhexe.
"Waxaan aaminsanahay inaysan jirin xal militari oo loo heli karo arrimaha Yemen, Bab al-Mandab, iyo arrimaha kale ee gobolka," ayuu Araqchi ku yiri wareysi uu daabacay wargeyska dowladda ee Iran Sabtidii, isagoo ku baaqay "wadahadal" lagu xallinayo khilaafka.
Wuxuu carabka ku adkeeyay in Iiraan aanay mas'uul ka ahayn xaaladda Yemen, isagoo tixgelinaya in weerarrada lagu arkay gobolka Bab al-Mandab "ay salka ku hayaan khilaafaadkii hore iyo arrimo u dhexeeyay Yemen, Sacuudi Carabiya iyo dalalka gobolka."
Xuutiyiinta ayaa Sabtidii ku dhawaaqay inay bartilmaameedsadeen xarumaha shidaalka ee xeebta galbeed ee Sacuudi Carabiya oo kasoo horjeeda Badda Cas, iyadoo iskahorimaadka labada dhinac uu sii xoogeystay.
Saacado ka dib markii Riyadh ay duqeymo cirka ah ku qaadday bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee Hodeidah, afhayeenka militariga Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa sheegay in "ciidamada qalabka sida ee Yemen ay qaadeen laba hawlgal oo militari oo tayo leh, kan ugu horreeya wuxuu bartilmaameedsaday bartilmaameedyo xasaasi ah oo xarumaha Aramco ee Jizan ah, iyadoo la adeegsanayo daraasiin gantaallo ballistic ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, halka howlgalka labaadna uu bartilmaameedsaday bartilmaameedyo xasaasi ah oo ay leedahay Aramco ee Yanbu."
Halkan kasii Akhri warar dheeraad ah:
Shil gaari oo ka dhacay wadada Dimishiq-Deir ez-Zor iyo dad badan oo ku dhintay
Soddon iyo shan qof ayaa ku dhintay, 30 kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay wadada Dimishiq-Deir ez-Zor, ee bariga Suuriya, Sabtidii.
Shilka ayaa dhacay markii bas ay saarnaayeen xubno ka tirsan Ciidamada Amniga Gudaha uu ka dhacay bas kale oo siday dad rayid ah oo ku sugnaa agagaarka Al-Sukhnah iyo Palmyra oo ku yaal wadada Deir ez-Zor-Damascus, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee Suuriya (SANA).
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya ayaa sheegtay in kooxaha ambalaaska iyo hay'adaha ay khuseyso ay u carareen goobta shilku ka dhacay, halkaas oo ay sii wadeen qaadista dadka dhaawacmay iyo daadgureynta dadka ay dhibaatadu soo gaartay.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dirtay tiro diyaarado helikobtaro ah si ay uga qayb qaataan daadgureynta caafimaad ee dhaawacyada iyo dhibanayaasha laga soo qaaday Garoonka Diyaaradaha Palmyra una qaaday Isbitaalka Ciidanka ee Homs, kooxo xiriir la leh Difaaca Madaniga ah ee Suuriya ayaa sidoo kale ka jawaabay dhacdada, sida laga soo xigtay SANA.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay in isbitaallada ku yaal gobollada Deir ez-Zor iyo Homs la diyaariyey si loo soo dhaweeyo dadka dhaawaca ah, iyo in shaqaalaha caafimaadka iyo ambalaasta iyo dhammaan agabka daryeelka caafimaadka ee lagama maarmaanka ah la bixiyay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Anas Khattab ayaa qoraal uu soo dhigay bogga X ku yiri: "Ma jiro wax ka xanuun badan in la waayo wiilal u socday inay gutaan waajibaadkooda, iyo in dad rayid ah oo aan waxba galabsan ay ka.
Halkan kasii Akhri warar dheeraad ah:
Ra'iisul Wasaaraha Spain oo ka digay 'saacadaha adag' ee soo socda iyadoo dabku uu barakiciyay 270,000
Dab-damiyayaashu waxay la halgamayaan sidii ay u xakameyn lahaayeen dabka ka kacaya Faransiiska iyo Spain.
"Waxaan ka fognahay in dabka la xakameeyo," ayuu yiri sarkaal maxalli ah oo Faransiis ah - fiiri meesha uu dabku ka gubanayo.
Ku dhawaad 270,000 oo qof ayaa ku barakacay amarrada daadgureynta.
Faransiiska, tobanaan kun ayaa laga daadgureeyay xaafadaha Bordeaux habeenkii xalay ahaa oo dhan, halka ku dhawaad 90,000 oo qof loo sheegay inay ka baxaan ama ay joogaan guryahooda Spain.
Cimiladu waxay keeni kartaa xaalado ku habboon in dabku qabsado oo uu faafo, .
Madaxweynaha gobolka Madrid Isabel Díaz Ayuso ayaa qoraal uu ku qoray X mar sii horeysay ku sheegay in gargaar loo heli karo daaweynta xoolaha uu dabku saameeyay, oo ay ku jiraan cuntada iyo daryeelka xoolaha.
Xoolaha ayaa sidoo kale uu saameeyay, iyadoo muuqaal ay soo duubtay Reuters uu muujinayo dab-damiska militariga Spain oo lo' ka badbaadinaya dab ka kacay Madrid.
Halkan kasii Akhri warar dheeraad ah:
Trump: Madaxweynayaasha Ruushka iyo Shiinaha ayaa ii sheegay inaysan hub ka iibin doonin Iran.
Iiraan oo sheegtay inay iska difaaci doonto hanjabaadaha Maraykanka
Iiraan ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay difaacdo danaheeda qaran iyo amnigeeda, iyadoo ka hortagaysa waxa ay ku tilmaantay hanjabaadaha Maraykanka. Waxay sidoo kale ku adkaysatay inaan loo adeegsan doonin Marinka Hormuz si loo wiiqo amniga dalka.
"Waxaan difaaci doonnaa danaha shacabka Iiraan, waxaan ilaalin doonnaa xuquuqdooda, sidoo kalena waxaan difaaci doonnaa xuquuqda Iiraan ee Marinka Hormuz iyo Gacanka Faaris. Kuwani waa qayb ka mid ah mabaadi'dayada iyo yoolalkayaga, mana ka cabsanno cidna," ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Araghchi.
Wuxuu intaa ku daray in Iiraan aysan ka tanaasuli doonin mowqifkeeda inta la ixtiraamayo danaha iyo xuquuqda muwaadiniinteeda, isagoo carrabka ku adkeeyay in dalkiisu sii wadi doono difaaca danihiisa qaran iyo amnigiisa marka uu wajaho hanjabaad kasta.
Araghchi ayaa hadalkan ka jeediyay kulan uu la yeeshay dhiggiisa Ruushka, Sergei Lavrov, intii uu socday shirka Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO) oo ka socda Kyrgyzstan.
Sida ay warbaahinta Iiraan sheegtay, Araghchi ayaa sheegay in amni darrada hadda ka jirta Marinka Hormuz ay si toos ah uga dhalatay waxa uu ku eedeeyay Maraykanka inuu jebiyay ballanqaadyadiisii.
Wuxuu sheegay in Iiraan ay muujisay muhiimadda diblomaasiyadda ee xalinta arrimaha caalamiga ah, balse isla markaana ay sii wadi doonto difaaca danaheeda iyo amniga qaranka iyadoo ka hortagaysa hanjabaad kasta.
Dhanka kale, Araghchi ayaa sidoo kale wada-hadallo dhinaca taleefanka ah la yeeshay wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar iyo Cumaan, kuwaas oo ay kaga wada hadleen arrimaha gobolka.
Si aad u akhrido sheekooyin badan: