You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
BBC News, Somali - War
Wararka ugu waaweyn
TOOS, Booliiska Jarmalka oo shaaciyay magaca tuhmanaha gaariga dardarsiiyay dadka
Hal qof ayaa dhintay, ugu yaraan 16 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii gaari la jiirsiiyey dad ku sugnaa munaasabadda Pride ee Berlin, sida ay booliisku sheegeen.
Waa tuma Afrah Al-Zuba, haweeneydii ugu horreysay ee madax ka noqota Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Yemen?
Magacaabista Dr. Afrah Abdul Aziz Al-Zuba oo loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa dhalisay xiiso ballaaran oo loo qabo Yemen, maadaama ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee jagadan qabata tan iyo markii la aasaasay Jamhuuriyadda Yemen sanadkii 1990.
Trump oo soo saaray war ka duwan kuwii hore oo ku saabsan Iiraan iyo wararkii ugu dembeeyey ee xiisadda Bariga Dhexe
Ma cadda in tilmaamahan ay ka dhigan yihiin bilowga hoos u dhaca weerarrada Maraykanka, balse waxay muujinayaan rabitaanka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ah in diblomaasiyadda la siiyo fursad dheeraad ah.
Trump: Madaxweynayaasha Ruushka iyo Shiinaha ayaa ii sheegay inaysan hub ka iibin doonin Iran.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in madaxweynayaasha Shiinaha iyo Ruushka, Xi Jinping iyo Vladimir Putin, ay u xaqiijiyeen inaysan hub ka iibin doonin Iran.
'Carruurta Ghetto' ee Uganda ee la joogay Shakira Koobka Adduunka: 'Waayo-aragnimo noloshooda wax ka beddeshay'
Caruurta Uganda ee ciyaarta qoob-ka-cayaarka ee 'Ghetto Kids', oo ka soo jeeda waddooyinka saboolka ah ee Kampala, ayaa taariikh nololeed ka sameeyay masraxa Koobka Adduunka iyagoo ay la socdaan xiddigaha muusikada Shakira iyo Berna Boy. Carruurta, oo isku dheelitiraya hibooyinkooda hal abuur iyo waxbarashadooda, ayaa la sheegay in bandhiggoodu uu ahaa mid aad u xiiso badan oo u furay albaab cusub oo rajo ah.
6 tababare oo shaqadooda waayay Koobka Adduunka ka dib
Waddamada sida Koonfurta Korea oo tartankan si wanaagsan ku bilaabay kaddib markii ay 2-1 ku garaaceen Czech Republic ayaa sameeyay dadaallo badan, balse ugu dambeyn waxay ku guul-darreysteen inay xitaa ka gudbaan heerka Group-yada.
Xiisad cusub iyo Bariga Dhexe: Xuutiyiinta oo sheegtay inay beegsadeen Sacuudiga
Subaxnimadii Sabtida hore, warbaahinta Ansarollah ee Xuutiyiinta ayaa Telegram ku sheegtay in "weerar gantaal oo Yemen ka yimid" uu sababay dab ka kacay magaalada magaalada Jizan ee Sacuudiga.
Kaalintee Soomaaliya kaga jirtaa 10-ka dal ee ugu farxadda badan Afrika sannadka 2026?
Natiijooyinka waxaa laga soo ururiyay celceliska sahannadii Gallup ee saddexdii sano ee u dhexeeyay 2023 ilaa 2025.
Faransiiska iyo Isbaayn oo ku jira xaalad degdeg ah
Dowladda Isbayn ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo qaran, iyadoo 25,000 oo qof lagu amray inay ka guuraan guryahooda,
OpenAI oo sheegtay in sirdoonkeeda AI uu xakamaha goostay isla markaana fuliyay weerar dhanka internetka ah oo "aan hore loo arag"
Tani waa mid ka mid ah weerarradii ugu horreeyay ee dhanka internetka ee si rasmi ah loo shaaciyo, kuwaas oo uu sirdoonka macmalka ah (AI) fuliyay isaga oo aan si toos ah uga amar qaadan bini'aadam.
Dowladda Suudaan: Itoobiya waxay joojisay korontadii ay u dhoofin jirtay Suudaan
Dowladda Suudaan ayaa Itoobiya ku eedeysay inay joojisay korontadii ay u dhoofin jirtay dalkaas, iyadoo sheegtay in tallaabadan ay sii xumeysay dhibaatada koronto la’aaneed ee haysata dalka uu dagaalku saameeyay.
Ehellada mid ka mid ah burcad-badeed lagu xukumay Hindiya oo farriin u diray dowladda Soomaaliya
Dhalinyradaan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyey ee Soomaaliya oo tiro intaa la eg iyo xukun noocaan ah uu ku dhaco dalka Hindiya.
BBC Somali kala soco TikTok
Ugu hor hel wararka iyo xogta naadirka ah
Wararka Soomaalida iyo Qurbaha
Fan iyo Dhaqan
BBC Somali waxaad ka heli kartaa WhatsAPP
Diin iyo Taariikh
Xul
Trump oo shardi adag ku xiray dhaqangalinta heshiiskii tamarta nukliyeerka Niyukleerka ee sacuudiga uu la galay
Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ayaa kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo la sheegay inuu u oggolaanayo boqortooyada Khaliijka inay horumariso barnaamij tamarta nukliyeerka ee rayidka.
Maxay Iiraan khatar weyn ugu gelaysaa Marinka Hormuz?
Midkoodna doorashooyinka horyaalla hoggaanka Iiraan ma bixinayo waddo cad oo guul lagu gaadhi karo, iyadoo colaadda kala dhaxaysa Maraykanka ay sii socoto.
Waa maxay sababta Mojtaba Khamenei loogu arkaynin masraxa dadweynaha Iraan?
Hadda dadku waxay bilaabeen inay maqnaanshihiisa u barbar dhigaan "qarsoonida" Nebiyada iyo qarsoonida Imamkii 12aad ee Shiicada.
Xuutiyiinta Yemen oo ku dhawaaqay 'go'doomin dhanka badda ah' oo lagu soo rogay Sacuudi Carabiya
Xuutiyiintu waxay sheegeen in xayiraaddu ay si degdeg ah u bilaabanayso, isla markaana ay tahay jawaab u ah xayiraad ay Sacuudigu saareen dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee Yemen.
walaalka yar ee Lamine Yamal ee indhaha caalamka soo jiitay iyo dabaaldagii uu xalay sameeyay
Wiilkan saddex-jirka ah ayaa si degdeg ah caan uga noqday internet-ka ka dib markii muuqaallo laga duubay isagoo si xamaasad leh u dabaaldegaya guushii 1-0 ahayd ee Spain ay ka gaartay ciyaartii Argentina ay Axaddii ku faafeen baraha bulshada.
Waa kuma Khalil al-Xayya, ninka ay Xamaas u magacowday hoggaamiyaheeda guud?
Hoggaamiyaha wadaxaajoodka ee kooxda hubaysan ee Falastiiniyiinta, kaas oo fadhigiisu yahay Qadar, ayaa beddelaya Yahya Sinwar, oo ay ciidamada Israa’iil ku dileen Gaza sannadkii 2024-kii.
Maraykanka oo qaaday duqeymo cusub oo ka dhan ah Iiraan, iyadoo Trump uu ka digay aargoosiga dilki askarta Maraykanka
Milateriga Maraykanka ayaa sheegay inuu qaaday wareeg kale oo duqeymo ah oo ka dhan ah Iiraan, si "loo sii wiiqo" awooddeeda ay ku weerari karto maraakiibta maraysa Marin-biyoodka Hormuz.
Afgambigii badalay dal dhan; sida Erdogan u qaabeeyay Turkiga muddo toban sano ah
Cawaaqib xumada ka dhalatay isku daygii afgambi ee 15 Luulyo 2016 ayaa beddeshay dhinac kasta oo siyaasadda Turkiga ah tobankii sano ee la soo dhaafay
Cumaan oo saluug ka muujinaysa doorka Maraykanka ee amniga bariga dhexe, dhaliishayna siyaasadda xakamaynta Iran
Wasiirka arrimaha dibadda ee Cumaan ayaa sheegay in dalku uusan lahayn ujeedo ah inuu ka tago xiriirkii taariikhiga ahaa ee uu la lahaa Mareykanka, laakiin fikraddiisa, "dhibaatadii dhawaan dhacday waxay muujisay in doorka quwadaha shisheeye ee gobolka loo baahan yahay in dib loo eego."
Halkee buu ku maqan yahay hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan Mojtaba Khamenei?
Mojtaba Khamenei, oo la sheegay in toddobaad gudihii ka dib dilkii aabbihii loo magacaabay hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Iiraan, ayaan weli ka soo muuqan fagaarayasha shacabka.
Maxaad ka taqaannaa dalalka Afrika ee Soomaaliya ay ku jirto ee lagu dhisay nidaamka kaligii-taliska?
Tobannaanihii sano ee la soo dhaafay, dowlado badan ayaa u weecday hannaan kali-talisnimo ah, iyagoo xakameynaya xorriyadda hadalka, cabburinaya cod kasta oo mucaarad ah, isla markaana maamulaya geeddi-socod kasta oo doorasho, haddii uu jiroba.
Qaabka loo aasay Ayatollah Cali Khamenei ma waafaqsan tahay Shareecada Islaamka?
Ka dib markii la shaaciyay geerida Hoggaamiyihii hore ee Sare ee Iiraan iyo dib u dhaca aaskiisa, su'aalo badan ayaa baraha bulshada laga keenay oo ku saabsan dib u dhigista iyo xukunnada Islaamka iyo kuwa sharciga khuseeya.
Barnaamijyada Idaacadda
Listen Next, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 27 Luulyo 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 24 Luulyo 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.
Dhageyso, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 24 Luulyo 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 23 Luulyo 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.