You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Trump oo soo saaray war ka duwan kuwii hore oo ku saabsan Iiraan iyo wararkii ugu dembeeyey ee xiisadda Bariga Dhexe
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa faray ciidamada Maraykanka inaysan Jimcaha bilaabin weerarro cusub oo lagu qaado Iran, kaddib ku dhowaad laba toddobaad oo ay maalin kasta weerarro socdeen, sida ay warisay Axios, iyadoo soo xiganaysa laba ilo oo arrintan la socda.
Ma cadda in tilmaamahan ay ka dhigan yihiin bilowga hoos u dhaca weerarrada Maraykanka, balse waxay muujinayaan rabitaanka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ah in diblomaasiyadda la siiyo fursad dheeraad ah.
Sida lagu sheegay warbixinta, tilmaamaha Trump waxay yimaadeen saacado yar kaddib markii wafdi ka socda Cumaan ay gaareen Tehran si ay wadahadallo uga yeeshaan heshiisyo cusub oo ku saabsan furitaanka marin-biyoodka Hormuz.
Axios ayaa soo xigatay laba ilo oo xog-ogaal ah oo sheegay in wadahadalladan ay sameeyeen horumar, isla markaana heshiis u dhexeeya Cumaan iyo Iran la gaari karo saacadaha soo socda.
Madaxweyne Trump ayaa hore u sheegay inuusan weli go'aan ka gaarin bilaabidda weerarro ballaaran oo ka dhan ah Iran, maadaama Tehran ay muujinaysay "daacadnimo iyo dhabnimo badan" oo ku aaddan wadahadallada ay la leedahay Washington.
Trump ayaa sheegay in Maraykanka iyo Iran ay ku jiraan wadahadallo lagu doonayo in lagu soo afjaro khilaafka u dhexeeya labada dal, balse wuxuu mar kale carrabka ku adkeeyay in Tehran aysan weli diyaar u ahayn inay gaarto heshiis.
Isagoo la hadlayay weriyeyaasha Aqalka Cad, wuxuu yiri:
"Waxaan la hadlaynaa iyaga. Waxaan u maleynayaa inay dhab ka yihiin. Waxaan u maleynayaa... inay hadda ka dhab badan yihiin sidii aan hore u aragnay, laakiin taasi macnaheedu ma aha inaan heshiis gaari doonno. Waan arki doonnaa waxa dhaca."
Madaxweynaha Maraykanka ayaa intaas ku daray in Iran ay haysato laba ikhtiyaar: inay heshiis gaarto ama ay wajahdo weerarro "aad uga sii darran" kuwii hore.
Madaxweyne Trump wuxuu intaas raaciyey : "Waxaan si buuxda ugu diyaar garownay inaan tallaabo qaadno. Laakiin waan la hadlaynaa iyaga, waxaana arki doonnaa waxa ay wadahadalladani keeni doonaan. Waxaan u maleynayaa inay dhab ka yihiin, waana inay sidaas ahaadaan."
Dhanka kale, wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran, IRNA, ayaa Jimcihii sheegtay in wafdi diblomaasiyadeed oo ka socda Cumaan uu booqasho ku joogo Tehran si uu wadahadallo uga yeesho hababka loo maareynayo isu socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz.
Wakaaladdu waxay sheegtay in booqashadan ay qayb ka tahay wadatashiyada joogtada ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo Saldanadda Cumaan, iyadoo ujeeddadu tahay in la gaaro habab ku habboon oo lagu nidaamiyo isu socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz.
Dhanka kale, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xigatay ilo xog-ogaal ah oo sheegay in Pakistan ay baareyso waddo dib loogu bilaabi karo wadahadalladii hakadka galay ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran si loo soo afjaro dagaalka, taasoo qayb ka ah dadaal uu hormuud ka yahay Shiinaha.
Saddex ilo oo Pakistani ah ayaa Reuters u sheegay in wadahadallo hordhac ah ay dhaceen intii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Iran, Eskandar Momeni, booqashada ku joogay Islamabad toddobaadkan. Tani waxay ahayd booqashadiisii labaad ee uu ku tago Pakistan muddo toban maalmood gudahood ah, sida ay sheegtay Reuters.
Dhanka kale, Iran ayaa ku dhawaaqday inay ku guuleysatay inay iibiso saliid qiimaheedu dhan yahay 11.5 bilyan oo doollar intii uu socday dagaalka, iyo 6.5 bilyan oo doollar muddadii xabbad-joojintu jirtay.
Wasiirka Shidaalka ee Iran, Mohsen Paknejad, ayaa Sabtidii sheegay in iibkaasi uu ka dhigan yahay in ka badan 60 boqolkiiba dakhliga shidaalka ee lagu qiyaasay miisaaniyadda sannadlaha ah ee Iran.
Milatariga Maraykanka ayaa hore u sheegay inuu rasaas ku furay markab shidaal siday, kaddib markii uu isku dayay inuu ka baxsado xannibaadda uu Maraykanku ku soo rogay dekedaha Iran.
"Waxaan hawlgab ka dhignay markabka shidaalka kadib markii shaqaalihiisu ay isku dayeen inay jebiyaan xannibaadda ugu yaraan afar jeer oo hore."ayuu wakaaladda AFP u sheegay Afhayeenka Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM), Tim Hawkins.
Wuxuu intaas ku daray:"Shaqaaluhu waxay heleen digniino isdaba joog ah, balse way u hoggaansami waayeen. Sidaas darteed ciidamada Maraykanka ee goobta joogay waxay hawlgab ka dhigeen markabka iyagoo rasaas ku furay qolka matoorka."
Iyadoo xiisadda ka taagan marin-biyoodka Hormuz ay sii kordhayso, kaas oo Iran ay mar kale xirtay kadib dib u soo cusboonaanshaha dagaalka kala dhexeeya Maraykanka, Hay'adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Midowday (UKMTO) ayaa Sabtidii sheegtay inuu dhacay shil ku lug lahaa markab shidaal iyo ciidamo militari meel u dhow marin-biyoodka Hormuz.
Hay'adda, oo ku taxaluqda la socodka isu socodka maraakiibta badda, ayaa sheegtay inay "heshay warbixin ku saabsan dhacdo ku lug lahayd markab shidaal iyo ciidamo militari oo ka dhacday Gacanka Cumaan."
Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa ku dhawaaqday inay joojisay afar markab oo isku dayay inay ka gudbaan marin-biyoodka Hormuz 24-kii saacadood ee la soo dhaafay. Toddobaadyadii u dambeeyay, Iran ayaa bartilmaameedsatay maraakiibta shidaalka ee isticmaala marin u dhow xeebta Cumaan si ay uga gudbaan marin-biyoodka, iyadoo isku dayaysa inay ku qasabto maraakiibta inay isticmaalaan waddada ay Tehran si gaar ah u cayintay.