Afar Falastiiniyiin ah iyo hal Israa'iili ah oo lagu dilay toogasho ka dhacday Daanta Galbeed

Xigashada Sawirka, Magen David Adom
Ugu yaraan afar Falastiiniyiin ah iyo hal Israa'iili ah ayaa lagu dilay toogasho ka dhactay Daanta Galbeed ee la haysto, taasoo noqotay dhacdadii ugu dhimashada badnayd ee halkaas ka dhacda muddo bilo ah.
Ilo Falastiini ah ayaa u sheegay BBC-da in dad deggan tuulada Tal ee waqooyiga lagu rasaaseeyay askar Israa'iili ah, xilli ay iska hor imanayeen deegaameeyayaal Yuhuud ah oo weerarayay. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin ayaa sheegtay in Falastiiniyiin kale oo dhowr ah ay sidoo kale ku dhaawacmeen.
Ciidanka Israa'iil ayaa sheegay in “argagixisadu ay ka xadeen hubka” ilaaliye amni oo la dilay, dabadeedna ay rasaas ku fureen koox dalxiisayaal Israa'iiliyiin ah oo sheegay in iyagana la soo weeraray.
Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) ayaa sheegay inay isu diyaarinayaan hawlgal ballaaran oo ka dhaca aaggaas, isla markaana ay baajiyeen fasaxyadii askarta.
Rabshadaha ka jira Daanta Galbeed ayaa si weyn u kordhay tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza sannadkii 2023, kaas oo ka dambeeyay weerarradii dhacay 7-dii Oktoobar.
Goobjooge lagu magacaabo Ahmed Zeidan ayaa BBC-da u sheegay in dhacdadii ugu dambeysay ay bilaabatay aroortii hore, markii dadka deegaanka ee Tal ay u gurmadeen si ay uga hortagaan ku dhowaad 30 deegaameeye oo weerarayay guryaha Falastiiniyiinta.
Waxa uu sheegay in dagaal gacan-ka-hadal ah uu ka dhex qarxay labada dhinac iyadoo ay goobta joogeen askarta Israa'iil, ka hor inta uusan isu beddelin is-rasaaseyn dhex martay deegaameeyayaasha iyo dhalinyarada Falastiiniyiinta.
Hoggaamiye ka tirsan xisbiga talada haya ee Fatax, Essam Saifi, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in deegaameeyayaashu ay rasaasta bilaabeen, ka hor intii aysan ciidamada Israa'iil iman, isla markaana ciidamadaasi ay iyaguna markii dambe rasaas fureen.
Waxa uu sheegay in labo walaalo ah iyo laba ka mid ah ilma-adeerradood ay ka mid ahaayeen dadkii la dilay.
Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) ayaa sheegay in weerarka ay bilaabeen Falastiiniyiinta.
IDF waxay sheegtay in askartu ay u baxeen tuulada Tal kadib markii la soo sheegay in dad rayid ah oo Israa'iiliyiin ah oo dalxiis ku marayay deegaanka la weeraray. Waxay intaas ku dartay in ilaaliye amni oo ka yimid saldhig deegaameeyayaal oo u dhow goobta uu halkaas tegay, balse hubkiisa uu ka qaatay nin Falastiini ah oo dabadeed ku toogtay kuna dilay.
IDF waxay sidoo kale sheegtay in askartu ay "dileen weeraryahankii fuliyay falka argagixisanimada."
Adeegga ambalaaska Israa'iil ayaa sheegay in laba Israa'iiliyiin ah ay sidoo kale ku dhaawacmeen.
Warar dheeraad ah:












