TOOS, Duqeymihii Maraykanka oo galay habeenkii 13-aad iyo qaraxyo isdaba joog ah oo laga maqlay qaybo badan oo Iiraan ah
Weerarrada cirka ee Maraykanku ka fulinayo goobo kala duwan oo ku yaalla koonfurta, bartamaha iyo galbeedka Iran ayaa sii socday habeenkii 13-aad oo xiriir ah. Qaraxyo ayaa laga soo sheegay magaalooyinka Bandar Abbas, Ahvaz, Andimeshk, Qeshm, Omidieh, Khorramabad, Taft, Nain iyo Khandab, halka sidoo kale la sheegay in nidaamyada difaaca cirka laga hawlgeliyay bariga magaalada Tehran.
Qoraalka sawirka, Dadku sida caadiga ah waxay lumiyaan inta u dhaxaysa 50 iyo 100 xabbo oo timo ah maalintii
Burooyinka yaryar ee maqaarka dadka ayaa suurta gal ah in uu leeyahay fursad lagu daweyn karo bidaarta, sida lagasoo xigtay daraasad toddobaadkan lagu daabacay joornaalka Nature.
Ku dhawaad toban sano, saynisyahano ka tirsan Jaamacadda California, Irvine waxay baranayeen burooyinka maqaarka si ay u fahmaan sababta ay ugasoo baxaan timaha dhaadheer. daraasadda cusub waxay muujineysaa in burooyinka noocan oo kale ah ay ka kooban yihiin unugyo gaar ah oo kor u qaada koritaanka timaha.
“Waxaan timaha burooyinka ka dul baxa ka helnay tixraac,” ayuu yiri Maksim Plikus oo ah madaxa daraasadda isla markaana ah barfasoore ka ah jaamacadda California, Irvine kana dhiga samaysanka unugyada bayoolajiga.
Dadku sida caadiga ah waxay lumiyaan inta u dhaxaysa 50 iyo 100 xabbo oo timo ah maalintii, ka dibna unugyada gunta tinta ayaa soo saara kuwo cusub. Laakiin shakhsiyaadka leh bidaarta ama ay hadda kusoo socoto - waxa ay dhakhaatiirtu u yaqaanaan ‘alopecia’ ama ‘alopecia androgenic’ oo ah unugyada asliga ah ayaa jiifa, sidaas darteed ayeysan timo cusub usoo baxeyn.
Sida lagu helay Tijaabooyin loo adeegsaday jiir, Plikus iyo kooxdiisa cilmi-baaristu waxay muujiyeen in nooc ‘molecule ah’ oo loo yaqaan ‘osteopontin’, oo si gaar ah ugu badan burooyinka maqaarka ee timaha leh, uu kicin karo unugyada tarma ee timaha, kuwaas oo markii hore hurday.
Cilmi-baarayaashu waxay tijaabiyeen arrintan iyagoo jiir ku tallaalay muunadaha maqaarka dadka lagasoo jaray, ka dibna waxay siiyeen xayawaanka saddex irbadood oo badinaya ‘molecule-ka’ , oo ay dhexeyso min hal maalin. Maalmo gudahood, cirbadaha ayaa ka caawiyay jiirka inay usoo baxaan timo cusub oo dhererkoodu yahay ilaa 1 sentimitir.
Maraykanka ayaa canshuuro cusub ku soo rogay 60 dal oo uu ka dhaxeeyo xiriir ganacsi, oo ay ku jirto Turkiga, kadib markii dalalkaas lagu eedeeyay inay ku guuldarreysteen inay joojiyaan shaqaaleeysiinta dadka ee qasabka ah.
Canshuurahan oo u dhexeysa 10% ilaa 12.5% ayaa lagu soo rogay qaar ka mid ah saaxiibada ganacsi ee waaweyn ee Maraykanka, sida Shiinaha, Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska, Kanada, Japan iyo Hindiya.
Dalalka aan mamnuucin soo dejinta badeecooyinka lagu sameeyay shaqada qasabka ah ah ayaa lagu soo rogay canshuur kastam oo dhan 12.5%. Turkiga ayaa ka mid ah dalalka lagu daray liiskan.
Canshuurahan ayaa dhaqan gashay Jimcaha maanta, 24-ka Luulyo, xilli uu dhammaaday waqtigii canshuurta ku-meel-gaarka ah ee 10% ahayd ee lagu soo rogay badeecooyinka dibadda laga keeno horraantii sanadkan.
Tallaabadan ayaa ah koror cusub oo ka mid ah dagaalka ganacsi ee caalamiga ah, kaas oo dib u xoogeystay kadib markii uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump bilaabay xilli-ciyaareedkiisa labaad ee madaxtinnimada sannadkii hore.
Nigeria ayaa kamid ah dalalka lagu soo rogay canshuurta.
Tallaabadan ayaa beddelaysa canshuur ku-meel-gaar ah oo hore loo saaray, kadib markii Maxkamadda Sare ee Maraykanka ay meesha ka saartay dhowr canshuurood oo kala duwan oo uu hore u soo rogay maamulkii Trump.
Dalal dhowr ah ayaa muujiyay inay ka xun yihiin go'aankan. Brazil iyo Australia ayaa sheegay inaysan jirin wax sabab sharci ah ama dhaqaale ah oo lagu taageerayo canshuuraha cusub.
Dhanka kale, Japan waxay ku tilmaantay tallaabadan mid laga xumaado, halka New Zealand ay sheegtay inay si weyn uga niyad-jabsan tahay go'aanka Maraykanka.
Madaxweynaha Cameroon oo la baadi goobayo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo weli ay jiraan walaacyo isa soo taraya oo ku saabsan muddada dheer ee uu madaxweynahan ka maqnaa dalka isaga oo aan dib ugu soo laaban
Madaxweynaha ugu da'da weyn dunida, isla markaana dalka ka maqnaa in ka badan 40 maalmood, ayaa oggolaaday in dowladda ay qaadato deyn lagu maalgelinayo fulinta qandaraasyo kala duwan.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo weli ay jiraan walaacyo isa soo taraya oo ku saabsan muddada dheer ee uu madaxweynahan ka maqnaa dalka isaga oo aan dib ugu soo laaban.
Go'aanno kala duwan oo la qaaday Arbacadii, hoggaamiyahan 93 jirka ah ayaa faray Wasiirka Dhaqaalaha iyo Horumarinta Gobolka inuu saxiixo heshiisyo deyn ah oo laga helayo Ururka Horumarinta Caalamiga ah (IDA) iyo Deutsche Bank ee Spain.
Isla maalintaas, madaxweynuhu wuxuu sidoo kale magacaabay laba mas'uul oo ka tirsan hay'adda dalka u qaabilsan nidaaminta batroolka iyo gaaska.
Hase yeeshee, maadaama aan si muuqata loo arkin madaxweynaha tan iyo 7-dii Juun, tallaabooyinkan la sheegay inuu qaaday ayaa dhaliyay su'aalo badan.
Waa madaxweynaha dalka Cameroon, Pauk Biya.Dad badan oo reer Cameroon ah ayaa doonaya inay ogaadaan halka uu ku sugan yahay madaxweynuhu iyo xaqiiqda ku saabsan xaaladdiisa caafimaad.
Inkasta oo dadka ku dhow Biya ay safarkiisa dibadda ku tilmaameen "fasax gaaban oo Yurub ah," maqnaanshihiisa dheer ayaa weli dood xooggan ka dhex dhalinaya shacabka dalka.
Dhacdadan ayaa sii kordhisay walaaca laga qabo caafimaadka madaxweynaha, arrin aan inta badan si fagaare ah looga hadlin dalka uu Biya xukumayay muddo 44 sano ah.
17-kii Juun, majaladda Jeune Afrique ayaa sheegtay in Paul Biya la dhigay isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla Geneva, Switzerland, kadib markii ay qabatay qandho wax yar ka dib dabaaldegga maalinta madaxbannaanida dalka ee bishii May.
Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Warfaafinta Cameroon, Rene Emmanuel Sadi, ayaa isla maalintii xigtay si degdeg ah u beeniyay warbixintaas, isagoo ku tilmaamay mid aan wax sal iyo raad ah lahayn.
Inkastoo Sadi uu xaqiijiyay in Paul Biya uu ku sugnaa Geneva, wuxuu beeniyay in madaxweynaha isbitaal la geeyay, wuxuuna sheegay inaanu jirin wax dhibaato caafimaad ah.
Afhayeenka dowladda ayaa yiri:
"Inkasta oo madaxweynuhu inta uu fasaxa ku joogo Geneva uu booqan karo dhakhtar si loogu sameeyo baaritaankiisa caafimaad ee caadiga ah, haddana wuxuu si buuxda ula socdaa arrimaha dalka, wuxuuna qaadaa go'aannada lagama maarmaanka ah marka loo baahdo."
Maqnaanshihiisa dheer ayaa dhalisay falcelin ka timid xisbiyada mucaaradka, iyadoo mid ka mid ah xubnaha baarlamaanka uu ku baaqay in Golaha Dastuuriga ah uu adeegsado awooddiisa si xilka looga qaado madaxweynaha.
Dhanka kale, xisbiga talada haya ee CPDM ayaa arrintaas meesha ka saaray, isagoo sheegay in madaxweynuhu weli si sharci ah xilka u hayo, isla markaana hadallada noocaas ahi ay ku saleysan yihiin sharci darro.
Afhayeenka dowladda ayaa Talaadadii yiri:
"Cameroon ma laha sharci ama qodob xaddidaya muddada uu madaxweynuhu dalka ka maqnaan karo."
Wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Biya uu weli shaqadiisa ka sii wato halka uu joogo.
Sida uu dhigayo sharciga Cameroon, kursiga madaxtinnimada waxa bannaan lagu dhawaaqi karaa oo keliya haddii madaxweynuhu iscasilo sababo shakhsi ah awgood, geeriyoodo, ama Golaha Dastuuriga ahi ku dhawaaqo inuusan awood u lahayn gudashada waajibaadkiisa.
Maqnaanshaha Biya ayaa sii huriyay muranka siyaasadeed, maadaama uu ku soo beegmay xilli ay taagan tahay dood ku saabsan magacaabista madaxweyne ku xigeen iyo dhismaha golaha fulinta, arrimo ay dhaliilayaashu aaminsan yihiin inay muddo dheer dib u dhaceen.
Intii uu xilka hayay oo ka bilaabatay 1982, madaxweynaha Cameroon wuxuu si joogto ah u safri jiray, isagoo waqtiyo dheer ku qaadan jiray dalalka Yurub, taas oo marar badan dhalin jirtay warar iyo xan sheegaya inuu geeriyooday.
Waa maxay 'Heshiiska Abraham' ee uu Trump rabo in Sacuudigu ku biiro?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Bin Salmaan
Sida aan hore idinkugu soo tebinnay, madaxweynaha Mareykanka, Donald yTrump ayaa shuruud ku xiray Sacuudiga si loo ansixiyo heshiiskii nukliyeerka ee ay galeen labada dhinac.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social, Trump ayaa yiri:"Heshiiska Nukliyeerka Rayidka ah ma jiri doonto kobcin walxo nukliyeer ah, kaas oo ku kooban isticmaalka aan militari ahayn, waa la ansixin doonaa, balse wuxuu si buuxda ugu xiran yahay in Sacuudigu ku biiro Heshiisyada Abraham."
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa tilmaamay in shuruudaha heshiiska nabadeed ee lala gelayo Iiraan ay ka mid noqon karto "in dhammaan waddammadu ay si degdeg ah u saxiixaan Axdigala yidhaahdo Abraham.
'Heshiiska Abraham' waxa uu ka kooban yahay heshiisyo loogu talagalay in lagu hagaajiyo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Israa'iil iyo dhowr waddan oo Carab ah. Heshiiskan ayaa la saxiixay sannadkii 2020-kii intii lagu guda jiray muddo xileedkii koowaad ee Donald Trump.
Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social ku yidhi: "Waxaan si qasab ah uga codsanayaa in dhammaan waddammadu ay si degdeg ah u saxiixaan Heshiiska Abraham. Haddii Iran ay heshiis ila gasho anigoo ah Madaxweynaha Mareykanka, waxay sharaf weyn u keeni lahayd in ay qeyb ka noqoto isbaheysigan caalamiga ah."
Ilaa hadda, Pakistan waa dalka kaliya ee si rasmi ah u diiday qorshahan.
Heshiisyada ay gadhwadeenka ka ahayd dowladda Mareykanka ee la saxiixay sannadkii 2020-kii ayaa ujeedkoodu ahaa in lagu abuuro xiriir diblomaasiyadeed oo caadi ah oo u dhexeeya Israa'iil iyo afar waddan oo ku yaalla Bariga Dhexe.
Waddamada ku jira heshiiska ayaa kala ah Baxrayn, Marooko, Suudaan iyo Imaaraadka Carabta. Israa'iil ayaa muddo dheer la kulmaysay go'doomin kaga imaanaysay waddamada gobolka.
Wasiirka Difaaca ee dalkaas, Khawaja Asif ayaa sheegay in Pakistan aanay ku biiri doonin heshiis kasta oo ka horimanaya "mabaadi'deeda aasaasiga ah". Sidoo kale, waxa uu muujiyay mowqifka dalkiisa isaga oo xusay in ballanqaadyada Israa'iil "aan la aamini karin".
Shuruudda uu Trump lu xiray heshiiska nukliyeerka Sacuudiga
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Heshiiska u dhexeeya Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya ee lagu taageerayo boqortooyada Khaliijka inay horumariso tamarta nukliyeerka ayaa ku xiran in Riyadh ay aqoonsato Dowladda Israa'iil, sida uu sheegay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social, Trump ayaa yiri:"Heshiiska Nukliyeerka Rayidka ah ma jiri doonto kobcin walxo nukliyeer ah, kaas oo ku kooban isticmaalka aan militari ahayn, waa la ansixin doonaa, balse wuxuu si buuxda ugu xiran yahay in Sacuudigu ku biiro Heshiisyada Abraham."
Hadallada Trump ayaa yimid kaddib markii khubaro ay dhaliileen heshiiska Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya ee lagu dhawaaqay Arbacadii, iyagoo ka digay in heshiiskaasi uu keeni karo halis ah in tiknoolajiyadda ama agabka hubka nukliyeerka uu mustaqbalka ku faafo gobolka oo horeba u ahaa mid aan xasilloonayn.
Qaar ka mid ah xildhibaannada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ayaa iyaguna muujiyay walaacyo la mid ah. Si kastaba ha ahaatee, Xisbiga Jamhuuriga ee Trump ayaa gacanta ku haya labada aqal ee Kongareeska, waxaana u muuqata in kuwa ka soo horjeeda heshiiska aysan haysan codadka ku filan ee lagu hor istaagi karo.
Hadalka Trump ayaa yimid kadib markii khubaro ay ka digeen in heshiiskan uu kordhin karo halista faafitaanka hubka nukliyeerka ee gobolka Bariga Dhexe oo horeyba u ahaa mid aan xasilloonayn.
Arrinta nukliyeerka ayaa sidoo kale ahayd qodobka ugu weyn ee khilaafka muddada dheer u dhexeeyay Maraykanka, Israa'iil iyo Iran.
Sannadkii 2020, Trump ayaa dhexdhexaadiyay Heshiiska Abraham, kuwaas oo horseeday in Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn ay caadiyeeyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed ee Israa'iil.
Kadibna Suudaan iyo Morooko ayaa iyaguna caadiyeeyay xiriirka ay la leeyihiin Israa'iil.
Heshiiska ayaa loo gudbin doonaa Kongareeska Maraykanka si uu dib ugu eego oo u qiimeeyo.
Habeenkii yaabka lahaa ee Osama Bin Laden cashada soo doontay isaga oo aan la filayn
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Maxaa dhici kara marka martida lama filaanka ah ee cashadaada uu noqdo ninka adduunka oo dhan loogu doonis badan yahay? Muddo kadib dhimashadii Osma Bin Laden laba nin ayaa ka sheekeynaya sidii ay casho ugu casuumeen, hugaamiyihii al Qaacida ee xilligaas.
Todobaad ka hor ayaa loo sheegay inuu u imaan doono qof loogu sheegay oo kaliya ‘inuu muhiim yahay’. Looma sheegin wax magac ah, iyo waqtiga saxda ah ee u umaanayo, balse waxaa loo sheegay oo kaliya saacada uu ku soo beegmi karo.
Qiyaastii 11 kii habeenimo, markii dadkii aagaas joogay oo dhan ay gam’een, ayay maqleen shanqarta gaari dhankooda u soo socda.
“Xayn gaawirida nuuca Jeepta ah ee taayirada waawayn ayaa ku soo baakintay guriga agtiisa”, ayuu yiri mid kamid ah odayadii qoyska oo arrintaan ka sheekeeyay. “Waxay u muuqdeen inay jihooyin kala duwan ka yimaadeen.”
Mid kamid ah gawaaridii ayaa aad ugu soo dhawaaday barsadda guriga, waxaana kuraasta dambe ka soo dagay nin dheer oo muuqaal tabar daran leh. Wuxuu xirnaa qamiis dheer iyo cimaamad cad.
Ragii meesha taagnaa ee wax sugayay waxay arkeen wax ay aamini waayeen. Waxaaba hortooda taagan cid kale maahan, waa Osama Bin laden, ninkii loogu doonis badnaa dunida oo dhan.
Qoraalka sawirka, Fabian iyo Gavi ayaa ka soo jeeda hal magaalo
Ku guuleysiga Koobka Adduunka wuxuu ciyaartoyda u keenaa abaalmarinno badan, balse in lagu siiyo yaanyo qiyaasta miisaanka jirkaaga, waa mid ka mid ah abaalmarinnada ugu yaabka badan.
Hadaba waa abaalmarinta la siiyay khadka dhexe ee xulka Spain, Fabián Ruiz iyo Gavi, markii ay dib ugu soo laabteen magaaladoodii ay ku dhasheen kadib markii ay ka mid ahaayeen xulkii Spain ee ku guuleystay Koobka Adduunka ee lagu qabtay Waqooyiga Ameerika.
Labadan ciyaaryahan waxay ka soo jeedaan Los Palacios y Villafranca, oo ah magaalo ku taalla koonfurta Seville, isla markaana ay ku nool yihiin wax ka yar 40,000 oo qof. Waxay halkaas ku laabteen Arbacadii si loogu sameeyo soo dhoweyn rasmi ah oo ka dhacday xarunta dowladda hoose.
Ruiz, oo u ciyaara Paris Saint-Germain isla markaana ka tirsanaa safkii ku bilowday finalkii ay la ciyaareen Argentina, iyo Gavi oo u ciyaara Barcelona, waxay xirnaayeen billadihii dahabka ahaa iyagoo ay soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta magaalada iyo dadweyne aad u fara badan.
Iyadoo lagu maamuusayay guushooda, labadoodaba waxaa la saaray miisaan si loo ogaado inta kiilo ee yaanyo ah ee la siin karo.
Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in dhaqankan uu noqday astaan lagu maamuuso ciyaartoyda waaweyn ee degmadaas ka soo jeeda.
Waxaa sidoo kale xafladda ka qeyb galay ciyaaryahankii hore ee garabka uga ciyaari jiray Spain, Jesús Navas, oo ahaa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee ka soo jeeda Los Palacios y Villafranca ee ku guuleysta Koobka Adduunka, taas oo dhacday sannadkii 2010-kii.
Navas, oo hore ugu soo ciyaaray Manchester City, iyo Ruiz ayaa sidoo kalelagu abaalmariyay yaanyo markii Spain ay ku guuleysatay Euro 2024-kii.
Hoolka ciyaaraha ee magaalada waxaa horey loogu bixiyay magaca Jesús Navas, halka hadda garoomo kubadda cagta ah loogu magac-dari doono Fabián Ruiz iyo Gavi, si loogu maamuuso guulahooda.
Bayaan ka soo baxay golaha deegaanka ayaa lagu yiri:
"Intaa waxaa dheer, dowladda hoose waxay dhiirrigelin doontaa dhismaha taallo loo hibeeyo saddexda horyaal ee ka soo jeeda Los Palacios."
Waxay sidoo kale sheegeen:
"Sidan ayay dowladda hoose u dooneysaa inay xushmad joogto ah u muujiso saddexdan ciyaaryahan oo ay magaalada oo dhan ku faanto.
Mid ka mid ah ilaalada madaxwayne ku xigeenka Mareykanka oo shaqada laga joojiya
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Qoraalka sawirka, Madaxweyne Ku-xigeenka J.D.
Hay’adda ilaalada gaarka ah ee madaxda Maeykanka ee Secret Service ayaa sheegtay in mid ka mid ah xubnaha ilaalada Madaxweyne Ku-xigeenka J.D. Vance shaqada laga joojiyay, islamarkaana uu wajahayo baaritaan kadib markii lagu eedeeyay inuu faafiyay xog xasaasi ah.
Faahfaahin ku saabsan xogta la sheegay in la dusiyay lama shaacin. Si kastaba ha ahaatee, afhayeenka Secret Service, Anthony Guglielmi, ayaa sheegay in sarkaalku wajahayo suurtagalnimada baaritaan dambiyeed oo la xiriira jebinta xeerka amniga hawlgallada iyo ilaalinta xogta.
Wuxuu yiri:"Dhaqan kasta oo halis gelin kara badbaadada qofka la ilaalinayo lama aqbali doono."
Aqalka Cad ayaa diiday inuu faallo ka bixiyo baaritaanka socda.
Dhanka kale, warbaahinta MS Now ayaa toddobaadkii hore, iyadoo soo xiganaysa ilo xog ogaal ah, sheegtay in qaar ka mid ah ilaalada J.D. Vance ay ka cawdeen safarrada qoyskiisa.
Sidoo kale, CNN ayaa sheegtay in shaqada laga joojiyay sarkaalkan ay la xiriirto warbixintaas.
Sida ay sheegtay MS Now, qaar ka mid ah ilaalada ayaa doodo gudaha ah ku muujiyay sida aysan ugu qanacsanayn qaar ka mid ah qorshayaasha safarrada qoyska J.D. Vance, oo ay ku jiraan qorshe lagu doonayay in diyaarad helicopter oo militari lagu geeyo wiilka yar ee Madaxweyne Ku-xigeenka si uu ugu tago tababarka ciyaarta golf-ka, iyo sidoo kale safarro ay qoysku ku raadinayeen guri cusub oo ku yaalla agagaarka magaalada Washington, D.C.
BBC ayaa sheegtay in aysan weli si madax-bannaan u xaqiijin karin wararkaasi.
Qoraalka sawirka, Wasiirka ayaa galay masjidka barakeysan Al-aqsa Ben Gvir
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Isutagga Imaaraadka Carabta, Urdun, Masar, Qatar, Turkiga, Pakistan, iyo Indonesia ayaa soo saaray bayaan ay si adag ugu cambaareeyeen gelitaanka Itamar Ben Gvir, Wasiirka Amniga Qaranka Israa’iil, iyo boqolaal dada deegaanka Israa’iili ah gudaha xarunta Masjidka Al-Aqsa.
Bayaanka oo la soo saaray fiidnimadii Khamiista ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay xadgudub cad oo ka dhan ah xaaladda taariikhiga ah iyo tan sharci ee Masjidka Al-Aqsa, isla markaana ay tahay fal kicin ah oo aan la aqbali karin, kaas oo horseedi kara sii xumaanshaha xiisadda gobolka.
Siddeeda dal ayaa sidoo kale adkeeyay:
In la ixtiraamo masuuliyadda Urdun ee ilaalinta goobaha barakeysan ee Islaamka iyo Masiixiyadda ee magaalada Qudus.
In laga hortago isku day kasta oo lagu beddelayo xaaladda taariikhiga ah iyo tan sharci ee Masjidka Al-Aqsa.
In la joojiyo tallaabooyinka hal dhinac ah iyo falalka kicinta ah ee khatar gelin kara amniga iyo xasilloonida gobolka.
In la dhowro sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay ee la xiriira magaalada Qudus.
Bayaankan ayaa la soo saaray kadib markii Itamar Ben Gvir uu boqolaal Israa’iiliyiin ah la galay xarunta Masjidka Al-Aqsa, tallaabadaas oo si weyn u cambaareeyeen Falastiiniyiinta, Urdun, iyo dalal badan oo Carbeed iyo Islaami ah.
Mojtaba Khamenei maqal iyo muuqa midna laguma haayo. Dadweynaha Iiraan waay yaaban yihiin. Waxaa ka soo wareegatay in ka badan 4 bilood tan iyo markii loo magacaabay hogaamiyaha cusub ee diinta ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ka dib geerida aabihii laakiin ilaa hadda hogaamiyaha cusub ma uusan ka soo muuqan telefishinka, warbaahinta, mana uusan ka qaybgalin wax shir dadweyne ah.
Waxaa la faafiyay warqado lagu xiriirinayo magaciisa, laakiin cidina ma garanayso meesha uu joogo. Qofna codkiisa ma maqlin, qofna sawirkiisa ma arag, qofna qoraal gacantiisa ku qoran ma arkin.
Hadda dadku waxay bilaabeen inay maqnaanshihiisa u barbar dhigaan "qarsoonida" Nebiyada iyo qarsoonida Imamkii 12aad ee Shiicada.
Mudada dheer ee uu u maqnaa ayaa keentay in la faafiyo warar badan oo ku saabsan hogaamiyaha. Xitaa Donald Trump ayaa yiri waxaa dhici karta inuu horey u dhintay. Gudaha Iran, kaliya Madaxweyne Masoud Pezeshkian ayaa sheegay inuu arkay. Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in hogaamiyaha cusub ee diinta uu diiday inuu muuqdo sababo la xiriira amniga.
Waxa ugu dambeeyay ee warbaahintu fiiro gaar ah u yeelatay waa dadaalka dad ay ka mid yihiin Mohammad Mehdi Mirbagheri, oo ah hogaamiyaha xisbiga Paydari, oo sheegaya in maqnaanshaha Mojtaba Khamenei uu caadi ku yahay nidaamka Shiicada. Waxaa loo yaqaanaa "Ghaiba" ama qarsooni.
Ingiriiska oo cambaareeyay weerar ay gaysteen Xuutiyiintu
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska ayaa si adag u cambaareysay weerarrada ay Xuuthiyiinta ay Iiraan-taageerto ku qaadeen maraakiibta Sacuudiga, kuwaas oo sababay koror weyn oo ku yimid qiimaha saliidda.
Wasaaraddu waxay sheegtay in falalkan “aan laga fiirsan” ay khatar gelinayaan nolosha dadka, deegaanka iyo xasilloonida gobolka, islamarkaana ay yihiin xadgudub weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.
Ingiriiskuna wuxuu muujiyay garab istaag uu la garab taagan yahay Sacuudi Carabiya, wuxuuna ugu baaqay Xuuthiyiinta in ay joojiyaan weerarrada.
Cabbaas Araqchi oo ka degay Kyrgyzstan
Iyadoo uu taagan yahay khilaafka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Abbas Araqchi ayaa u safray Kyrgyzstan isaga iyo wafdi la socday si ay uga qayb galaan shir ay leeyihiin wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Shanghai.
Diyaaradda Mr. Araqchi ayaa ku degtay magaalada Chulpan-Ata ee Kyrgyzstan fiidnimadii Khamiista
Xigashada Sawirka, s_a_araghchi
Iiraan oo digniin u dirtay Britain
Ilaalada Kacaanka ayaa ka digtay in saldhig kasta oo loo adeegsado in lagu weeraro dhulka Iiraan uu noqon doono “bartilmaameed sharci ah”, kaddib markii Axios ay soo warisay in diyaarad wax duqaysa oo nooca B-1 ah ay ka duushay saldhig ku yaalla Boqortooyada Ingiriiska si ay u garaacdo bartilmaameedyo ku yaalla Iiraan.
Dhanka kale, London ayaa xaqiijisay in ay ka daadgureysay diblomaasiyiintii iyo shaqaalihii ugu dambeeyay ee ku sugnaa Iiraan, sababo la xidhiidha xaaladda amni ee sii xumaanaysa.