War deg deg ah, Ilaalada Kacaanka Iran oo ku dhawaaqay weerarro ay ku beegsadeen saldhigyo Mareykanku leeyahay
Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegtay inay
bartilmaameedsatay saldhigyada Maraykanka ee King Faisal iyo Prince Hassan ee
Urdun, iyadoo adeegsanaysa gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn intii
lagu jiray “Hawlgalka Nasr 25”, taas oo ay sheegtay inay waxyeello gaarsiisay
qalab milatari iyo ciidamo Maraykan ah.
IRGC waxay sheegtay bayaan ay soo saartay in la burburiyay
ama waxyeello loo geystay goob diyaarinta diyaaradaha F-15, siddeed diyaaradood
oo aan duuliye lahayn oo nooca MQ-9 ah, iyo laba diyaaradood oo qumaatiga u
kaca oo culus.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xarunta
ay deggan yihiin ciidamada Maraykanka la bartilmaameedsaday, ayna jiraan askar
la dilay iyo kuwo dhaawacmay.
Sheegashooyinka IRGC weli si madax-bannaan looma xaqiijin,
waxaana aan weli wax jawaab ah ka bixin saraakiisha Maraykanka ama Urdun.
Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino oo loogu baaqay inuu is casilo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha La Liga, Javier Tebas, ayaa ugu baaqay
Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, inuu is casilo, isagoo ku eedeeyay in
hoggaankiisu uu “dilayo kubadda cagta.”
Isagoo la hadlayay wargeyska Talyaaniga ee La Gazzetta
dello Sport, Tebas wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in waqtigii Infantino
uu hoggaanka hayay uu dhammaaday, inkastoo uu qiray in uu taageero ka haysto
inta badan ururrada kubadda cagta ee dunida.
Tebas wuxuu ku andacooday in nidaamka doorashada
madaxweynaha FIFA uu yahay mid musuqmaasuq badan, taas oo keentay in cidna
aysan ku dhiiran inay la tartanto Infantino, maadaama ay aaminsan yihiin
inaysan guulaysan karin.
Wuxuu sidoo kale dhaleeceeyay Infantino, isagoo ku
eedeeyay faragelin ku saabsan go’aankii ganaaxa ciyaaryahanka Mareykanka ee
Balogun, fasaxyada cabitaanka biyaha inta lagu jiro ciyaaraha, waqtiga dheer ee
nasashada kama dambaysta ah, iyo soo jeedinta ah in Koobka Adduunka lagu
kordhiyo 64 kooxood.
Intaa waxaa dheer, Tebas wuxuu sheegay in hoggaamiyeyaal
badan oo kubadda cagta ah aysan ku qanacsanayn hoggaanka Infantino, balse ay
doorteen inay aamusiyaan.
Dhinaceeda, UEFA waxay dhaleeceysay go’aanka lagu
oggolaaday Balogun inuu ciyaaro, iyadoo ku tilmaantay go’aanka mid “aan la iska
indho tiri karin, aan la fahmi karin, isla markaana aan la sharxi karin.”
Infantino ayaa la filayaa in mar kale loo doorto muddo
afraad xilka madaxweynaha FIFA shirweynaha FIFA ee la qaban doono bisha Maarso
ee sannadka dambe, laakiin Tebas wuxuu qiray in arrinta Balogun ay dhaawici
karto fursaddiisa.
BBC Sport ayaa xiriiro la smaeynaysa FIFA si ay uga hesho
jawaab ku saabsan eedeymaha loo jeediyay madaxweynaheeda.
War deg deg ah, Nin gabdhaha yaryar u gan jiray Jeffrey Epstein oo meydkiisa la helay
Xigashada Sawirka, US Department of Justice
Xeer-ilaaliyeyaasha
Faransiiska ayaa sheegay in Daniel Siad, oo ahaa nin shaqadiisu ahayd inuu soo
xulo gabdhaha wax xayaysiiya isla markaana uu xiriir la lahaa Jeffrey Epstein,
meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla duleedka magaalada Paris.
Siad
ayaa lagu tuhunsanaa inuu haween da'yar u gayn jiray Jeffrey Epstein, oo ahaa
maalqabeen Maraykan ah oo lagu helay dambiyo galmo, hase yeeshee wuu beeniyay
eedeymaha loo jeediyay.
Waxaa
sidoo kale ka yaallay dacwooyin dhowr ah oo Faransiiska laga gudbiyay, oo ay ku
jiraan eedeymo kufsi.
Magaciisa
ayaa ka muuqday kumannaan dukumenti oo la sii daayay oo la xiriiray faylasha
Epstein, kuwaas oo ay ku jireen Emaillo muujinayay inuu Epstein u diri jiray
haween da'yar, iyadoo qaar ka mid ah gabdhahaas, sida la sheegay, ay da'doodu
ka hoosaysay da'da sharcigu oggol yahay.
Waxaa
la sheegay inuu xiriirka la sii waday Epstein ilaa bilo yar ka hor geeridii
Epstein ee lagu ee ka dhacday xabsiga uu ku jiray.
Alireza Khanmohammadi, oo ah madaxa Hay'adda Dayactirka, Horumarinta iyo
Qalabaynta Dugsiyada, ayaa sheegay in 1,288 dugsi ay waxyeello ka soo gaartay
weerarradii dhawaan uu Maraykanku qaaday, kuwaas oo 16 ka mid ahi u baahan
yihiin "dib-u-dhis iyo dayactir ballaaran."
Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee IRNA, Khanmohammadi ayaa yiri:
"Inta kale ee dugsiyada oo waxyeello qayb ahaan soo gaartay waa la
dayactiray, waxaana dalka oo dhan ka haray 40 dugsi oo keliya, kuwaas oo la
qorsheeyay in la dayactiro ka hor bisha Sebtembar."
War deg deg ah, Degdeg: Qaraxyo laga maqlay magaalada Sirik iyo faahfaahin soo baxaysa
Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex qarax laga maqlay
agagaarka magaalada Sirik.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee ILNA, weli lama shaacin xog rasmi
ah oo ku saabsan goobta saxda ah ee qaraxyadu ka dhaceen.
Tan iyo markii uu billowday wajiga cusub ee colaadda u dhexeysa
Maraykanka iyo Iiraan, magaalada Sirik waxay noqotay mid ka mid ah meelaha ugu
waaweyn ee ay Maraykanku weerarrada ku bartilmaameedsadaan.
War deg deg ah, Trump oo ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay in la hadlo ururka Xisbullaah
Xigashada Sawirka, Kevin Dietsch/Getty Images
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu diyaar u yahay
inuu wadahadal la yeesho ururka Xisbullaah haddii Madaxweynaha Lubnaan Joseph
Aoun uu codsado arrintaas.
Trump ayaa hadalkan sheegay intii lagu jiray kulankiisii ugu horreeyay
ee uu Aqalka Cad kula yeeshay Madaxweyne Aoun.
Trump wuxuu sheegay in Lubnaan si aad ah loola dhaqmay si aan caddaalad
ahayn, wuxuuna ballanqaaday in dalkaasi uu heli doono "ixtiraamka uu mudan
yahay," isagoo xusay in weli ay jirto "arrinta Xisbullaah."
Markii la weydiiyay inuu diyaar u yahay inuu la xiriiro Xisbullah, Trump
wuxuu yiri:
"Haddii Madaxweynaha Lubnaan uu iga codsado inaan la hadlo Xisbullaah,
waan samayn doonaa."
Si kastaba ha ahaatee, Trump ma uusan faahfaahin nooca wadahadalka uu
ula jeeday, mana uusan sheegin inay jiraan qorshayaal mustaqbalka lagu qabanayo
wadahadallo noocaas ah.
Intii lagu jiray kulanka, Madaxweyne Joseph Aoun ayaa Maraykanka ku
boorriyay inuu sii wado taageerada uu siiyo ciidamada Lubnaan si loo
dhammaystiro bixitaanka ciidamada Israa'iil ee koonfurta dalka loona xoojiyo
amniga.
Aoun ayaa sidoo kale ka digay in hakinta gargaarka Maraykanka ay dib u
soo celin karto xaaladdii qalalaasaha ahayd ee laga soo maray koonfurta Lubnaan
sannadihii 1970-meeyadii.
Kulankan ayaa dhacay xilli ciidamada Lubnaan ay bilaabeen inay la
wareegaan ammaanka qaar ka mid ah deegaannadii ay ciidamada Israa'iil ka
baxeen, kaddib heshiis uu dhexdhexaadiyay Maraykanku oo dhexmaray Lubnaan iyo
Israa'iil.
War deg deg ah, Maxaa ka cusub weerarrada Iiraan iyo Mareykanku ay isku qaadayaan?
Xigashada Sawirka, Reuters
Ciidamada Maraykanka ayaa weerarro ku qaaday Iiraan maalintii 11-aad oo
xiriir ah, iyadoo Iiraan ay sheegtay inay bartilmaameedsatay saldhigyo ciidan
oo Maraykanku ku leeyahay Kuweyd iyo Urdun, taas oo ay ku tilmaantay
jawaab-celin ka dhan ah weerarrada Maraykanka.
Sida ay baahiyeen warbaahinta Urdun, qaraxyo ayaa sidoo kale laga maqlay
magaalada Caqaba oo ku dhow magaalada Eilat ee Israa'iil.
Ciidamada Urdun ayaa sheegay inay qabteen lix gantaal oo ay Iiraan soo
ridday kuwaas oo ku sii jeeday dhulkooda.
Sida ay ciidamada sheegeen, nidaamka difaaca cirka ayaa soo riday afar
ka mid ah gantaalladaas, halka laba kalena ay ku dhaceen deegaanno fog oo aan
la deggenayn, iyadoo aan la soo sheegin wax khasaare naf ama hanti ah.
Ciidamada Urdun ayaa sidoo kale sheegay inay soo rideen afar diyaaradood
oo aan duuliye lahayn oo ka yimid dhinaca Iiraan, kuwaas oo lagu sheegay inay
ku wajahnaayeen gudaha Urdun.
Dhanka kale, ciidamada Kuweyd ayaa Arbacada maanta ah sheegay in
nidaamkooda difaaca cirka uu ka hortagay weerarro ay diyaarado aan duuliye
lahayn oo ka yimid Iiraan soo qaadeen. Sidoo kale, Baxrayn ayaa war ay soo
saartay ku sheegtay inay fashilisay weerarro ay Iiraan isku dayday inay fuliso.
Dhankooda, militariga Iiraan ayaa ku andacooday inay bartilmaameedsadeen
goobo uu Maraykanku ku leeyahay Kuweyd iyo Baxrayn, oo ay ku jiraan nidaamyada
difaaca cirka, xarumaha raadaarka iyo dhismayaasha maamulka.
War deg deg ah, Trump oo ka qayb galaya aaska askartii Iiraan ku dishay Bariga Dhexe
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Arbacada maanta ah u safri
doona saldhigga ciidamada cirka ee Dover Air Force Base ee gobolka Delaware si
uu uga qayb galo munaasabadda soo dhaweynta meydadka afar askari oo Maraykan ah
oo lagu dilay weerarradii Iiraan.
Saddex ka mid ah askarta ayaa la dilay Jimcihii, kadib markii gantaal ay
Iiraan ridday uu ku dhacay saldhiggooda oo ku yaalla saldhigga al-Mufak
al-Salti ee dalka Urdun. Askari afraad ayaa isaguna dhintay Axaddii, markii
diyaarad aan duuliye lahayn oo weerar waday ay ku qaraxday magaalada Erbil ee
dalka Ciraaq.
Munaasabaddan ayaa imanaysa iyadoo ay sii kordhayaan dhaleeceynta loo
jeedinayo dagaalka socda. Sida lagu sheegay warbixinta, dagaalku wuxuu ilaa
hadda ku kacay ugu yaraan 37.5 bilyan oo doollar, waxaana ku dhintay 18 askari
oo Maraykan ah halka in ka badan 450 kalena ay ku dhaawacmeen.
Ra'yi ururin ay sameeyeen Reuters/Ipsos ayaa muujisay in afar ka mid ah
shantii qof ee Maraykan ah ay aaminsan yihiin in dagaalku sii socon doono muddo
dheer, halka 37% ay taageereen in ciidamada Maraykanku ay weerarro militari ku
qaadaan Iiraan.
War deg deg ah, Mareykanka iyo Sacuudiga oo ku dhawaaqaya heshiis walaac abuuray
Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbaahinta Maraykanka ayaa werisay in
maamulka Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu heshiis la gaaray Sacuudi
Carabiya oo ku saabsan iskaashiga tamarta nukliyeerka, iyadoo la filayo in
faahfaahinta heshiiska lagu dhawaaqo dhawaan.
Heshiiskan ayaa suuragal ka dhigi kara in
Sacuudi Carabiya ay horumariso awoodda ay u leedahay kobcinta ama farsamaynta
yuraaniyamka si loogu isticmaalo xarumaha laga dhaliyo tamarta nukliyeerka.
Heshiiskan la xiriira tamarta nukliyeerka
ayaa muddo sanado ah ahaa arrin dood iyo muran ka taagnaa.
Qaar ka mid ah xildhibaannada Maraykanka
ayaa muujiyay walaac ay ka qabaan in Sacuudi Carabiya ay ka faa'iidaysan karto
fursaddan si ay u horumariso hubka wax gumaada ee halista badan.
Haddii heshiiskan la dhaqan geliyo, waxaa
la filayaa inuu dib u xoojiyo xiriirka u dhexeeya Maraykanka iyo Sacuudi
Carabiya, kaas oo la rumeysan yahay inuu door ku yeeshay arrimaha la xiriira
dagaalka Iran. Sidoo kale, heshiisku wuxuu u abuuri karaa shirkadaha Maraykanka
fursado ganacsi oo dheeraad ah.
War deg deg ah, Degdeg: Pakistan oo si adag ugu hanjabtay Xuutiyiinta Yemen
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Pakistan ayaa uga digtay
maleeshiyada Xuuthiyiinta ee Yemen in hanjabaad kasta oo loo geysto maraakiibta
wata calanka Pakistan ama danaha badeed ee Pakistan loo tixgelin doono tallaabo
gardarro ah oo khatar weyn ku ah amniga qaranka iyo madax-bannaanida Pakistan.
War-saxaafadeed ay soo saartay
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa lagu yiri:
"Iyadoo la raacayo Axdiga
Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah, Pakistan waxay xaq u leedahay inay
qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah is-difaaca si ay u
ilaaliso xarumaheeda badda iyo danaha qaranka, oo ay ku jirto isticmaalka awood
ciidan haddii ay waafaqsan tahay sharciga."
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale
lagu sheegay:
"Pakistan waxay si cad oo aan
mugdi ku jirin u cambaaraynaysaa hanjabaadaha ay maleeshiyada Xuuthiyiintu ku
hayaan maraakiibta ganacsiga ee ku socda dekedaha Sacuudiga iyo marin-biyoodka
Badda Cas."
Sida ay sheegtay Wasaaradda
Arrimaha Dibadda, tallaabooyinka noocan oo kale ah waxay khatar ku yihiin
amniga gobolka, waxay waxyeello u geystaan xorriyadda maraakiibtu u leeyihiin
inay si nabad ah u maraan badaha, waxayna caqabad ku yihiin nidaamka badeed ee
ku dhisan shuruucda caalamiga ah, iyagoo sidoo kale halis gelinaya socodka
joogtada ah ee ganacsiga caalamiga ah.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku
daray:
"Hanjabaadaha loo jeedinayo
maraakiibta ganacsiga iyo ganacsiga la xiriira Sacuudiga waa kuwo aan la aqbali
karin, isla markaana jebinaya xeerarka iyo qawaaniinta la aqoonsan yahay ee
sharciga caalamiga ah."
Sidoo kale waxaa lagu sheegay:
"Pakistan waxay si gaar ah
uga walaacsan tahay wararka sheegaya in maraakiib ku hawlan ganacsi sharci ah
lagu bartilmaameedsanayo ama loo hanjabayo."
Pakistan ayaa sidoo kale muujisay
walaac xooggan oo ku saabsan isku day kasta oo lagu ballaarinayo colaadda
Bariga Dhexe, waxayna mar kale xaqiijisay taageeradeeda aan leexleexadka lahayn
ee amniga, madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo danaha Sacuudi Carabiya.
Waxaa xusid mudan in kooxda
Xuuthiyiinta ee Yemen ay ku dhawaaqday xannibaad dhinaca badda ah oo ay ku soo
rogtay maraakiibta la xiriira Sacuudi Carabiya, iyagoo sheegay in tallaabadan
ay jawaab u tahay waxa ay ku tilmaameen go'doominta dekedaha iyo garoomada
diyaaradaha ee waqooyi-galbeed Yemen, isla markaana ay dhaqan geli doonto si
degdeg ah.
Ku dhawaaqistan waxaa sameeyay
afhayeenka militariga ee Xuuthiyiinta, inkastoo uusan bixin faahfaahin dheeraad
ah. Mas'uuliyiinta Xuuthiyiinta ayaa hore u sheegay inay qorsheynayaan inay
xiraan marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo ah marin istaraatiiji ah oo loo
tixgeliyo albaabka koonfureed ee laga galo Badda Cas.
War deg deg ah, 10 xubnood oo ka tirsanaa meleshiyaadka hubeysan oo la toogtay
Xigashada Sawirka, Getty
Hay'adda Xiriirka Dadweynaha ee
Ciidamada Pakistan ayaa sheegtay in ciidamada ammaanku ay dileen 10 qof oo
looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha hubeysan, hawlgallo ka
dhacay meelo kala duwan oo gobolka Balochistanka mid ah, halka laba haween ah
oo lagu tuhunsan yahay inay ahaayeen ismiidaamiyeyaal iyo qof la sheegay inuu
fududeeyey hawlahooda la xiray.
Sida ay ISPR sheegtay,
hawlgalladan waxay qayb ka yihiin ololeyaasha socda ee ka dhanka ah kooxahan.
War-saxaafadeed ay ISPR soo
saartay ayaa lagu sheegay in 48-kii saacadood ee u dambeeyey hawlgallo dhowr ah
laga fuliyey degmooyinka Sorab iyo Mastung ee gobolka Balochistan, kuwaas oo
lagu saleeyey xog sirdoon.
ISPR waxay sheegtay:
"Saddex qof oo looga shakisan
yahay inay yihiin argagixiso ayaa lagu dilay degmada Mastung, halka laba haween
ah oo lagu tuhunsan yahay inay ahaayeen ismiidaamiyeyaal iyo qof la sheegay
inuu fududeeyey hawlahooda la qabtay."
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed
ay ISPR soo saartay maanta, ciidamada ammaanku waxay beegsadeen goobo ay ku
dhuumaalaysanayeen dad lagu tuhunsan yahay inay yihiin mintidiin oo ku yaalla
degmada Sorab, halkaas oo lagu dilay toddoba qof oo lagu eedeeyey inay ka
tirsanaayeen kooxaha hubeysan.
Sida ay ciidamadu sheegeen,
hawlgalka waxaa sidoo kale lagu qabtay hub, rasaas iyo walxo qarxa oo gacanta
lagu sameeyey.
ISPR ayaa intaas ku dartay in
hawlgallada sifaynta ay weli socdaan si loo baaro loona soo qabto dad kale oo
lagu tuhunsan yahay inay ku sugan yihiin deegaanka.
Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda gooni
isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegaya in xabsiga laga siidaayay
fannaanka Khaalid Kaamil.
Maxkamad ayaa xoriyadiisa dib u siisay Khaalid oo todobaadyadii
u dambeeyay ku xirnaa xabsi ku yaala magaalada Hargeysa.
Ehelkiisa ayaa BBC-da u xaqiijiyay siideynta fannaanka.
Inkastoo hay'adaha ammaanka Somaliland aysan weli si
rasmi ah u shaacin sababta Khaalid loo xiray, haddana ehellada fannaanku waxay
BBC-da u sheegeen in uu eersaday hees uu u qaaday magaalada Barakeysan ee
Qudus.
Somaliland ayaa ka furtay safaarad magaalada Qudus
(Jerusalem) bishii lasoo dhaafay, lix bilood ka dib markii Israa'iil noqotay
dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland inay tahay dal
madax-bannaan, taas oo keentay cambaareyn ballaaran.
Waxaa xusid mudan in BBC ay isku dayday in ay xarigga
fannaankan wax ka weydiiso mas'uuliyiinta Somaliland, balse weli nooma aysan
suurtogelin inaan helno.
Heesta fannaanka loo haysto oo aan weli si rasmi ah u soo bixin, balse maqal ahaan loo geliyey baraha bulshada, ayaa waxaa loogu qareemayaa magaalada barakeysan ee Qudus, halkaas oo uu ku yaallo masaajidka Al-Aqsa oo Muslimiintu aaminsan yihiin in uu barakeysan yahay.
Lix dawo oo lagu iibiyo farmashiyeyaasha Soomaalida oo hoos u dhiga awoodda raganimada
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Dawooyin kala duwan
Daraasado kala duwan ayaa lagu ogaaday dawooyin saamayn wayn ku yeesha awoodda ragannimada, si joogto ahna loo isticmaalo.
Liiska hoos ku xusan waa dawooyinka ay habboon tahay in ay iska ilaaliyaan ragga, si aysan hoos ugu dhicin awooddooda ragannimo.
Nolosha gogosha waa mid ka mid ah baahiyaha ugu waawayn ee bani'aadanka, hase yeeshee mararka qaar waxaa ku yimaada caqabado.
Sababo kala duwan ayaa keeni kara caqabadahaas, balse qaarkood waxaa mas'uul ka ah lix nooc oo daawooyin ah, sida lagu shaaciyay Wakaaladda Wararka ee ANI, oo xog gaar ah kasoo diyaarisay mowduucan.
Xanuun-baabi'iye
Dad badan ayaan ka labolabayn inay isticmaalaan dawooyinka xanuun-baabi'iyaha, haddii xitaa xanuunka ay dareemayaan uu yahay mid yar.
Laakiin, maka war qabtaa in isla dawooyinkaas aad xanuunka ku baabi'inayso ay saamaynayaan awooddaada ragannimada, hoosna ay u dhigayaan?
Xanuun-babi'iyeyaashu waxay ka hor tagaan inay samaysmaan unugyada taranka, waxayna dhaawacaan hormoonno badan oo muhiim u ah gogosha dhex marta ragga iyo dumarka.
Daawada walwalka
Dad badan oo ka cawda xanuunka walwalka ayaa qaata dawooyin ay kula tacaalayaan walwalka.
Hase ahaatee, isla dawooyinkaas ayaa hoos u dhiga hammiga galmada. Dawooyinkan waxay sababi karaan in qofka uusan danayn arrimaha xiriirka jinsiga.
Xitaa qaarkood waxay ragga u sababaan in uu dareenka ka lumo gebi ahaanba.
"Mareykanku wali wuxuu diyaar u yahay in uu wadahadallo la galo Iran si loo xalliyoxiisadda taagan."- Rubio
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Rubio
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegay Arbacadii in Mareykanku weli diyaar u yahay inuu wadaxaajood ku dhammeeyo xiisadda Iran, balse Tehran aysan dhab ka ahayn wadahadallada, iyadoo colaadda sii fidaysa ay carqaladeysay laba ka mid ah marinnada tamarta ee ugu muhiimsan dunida.
Rubio wuxuu hadalkan ka sheegay kulan ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee Koonfur-bari Aasiya, maalin kadib markii saddex markab oo shidaal ah oo siday saliid ceyriin oo Sacuudi Carabiya ah kuna socday Aasiya ay dib ugu laabteen Badda Cas, taas oo u muuqata inay ka dhalatay hanjabaado uga yimid Xuutiyiinta Yemen ee taageera Iran.
Xuutiyiinta, oo gacanta ku haya xeebta ku dhow afka laga galo Badda Cas, ayaa Isniintii ku dhawaaqay xannibaad dhinaca badda ah oo ka dhan ah Sacuudi Carabiya. Tani waxay abuuri kartaa furin cusub oo dagaalka ah, kaas oo kumannaan qof ku dilay gobolka Khaliijka tan iyo markii uu billowday 28-ka Febraayo, kadib weerarro ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iran.
Iyadoo Iran horey ugu hanjabtay maraakiibta isticmaasha marin-biyoodka Hormuz ee ka baxa Khaliijka, Badda Cas ayaa noqotay waddada ugu weyn ee kale ee laga dhoofiyo malaayiin foosto oo saliid Sacuudi ah maalin kasta.
Sarkaal sare oo reer Iran ah ayaa Reuters u sheegay Isniintii in Tehran ay heshay soo jeedin ay soo gudbiyeen dhexdhexaadiyayaal oo ku saabsan xabbad-joojin 10 maalmood ah, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu badbaadinayo heshiiskii ku-meel-gaarka ahaa ee xabbad-joojinta ee ay Mareykanka iyo Iran kala saxiixdeen bishii Juun, kaas oo beddelay xabbad-joojintii hore ee Abriil.
Dagaalka uu
Maraykanku kula jiro Iran ayaa ilaa hadda ku kacay qiyaastii $37.5 bilyan (£28
bilyan), taas oo ah koror ku dhow $8 bilyan marka loo eego qiyaastii hore ee la
sameeyay bishii May, sida uu sheegay Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Pete Hegseth.
Hegseth ayaa
u sheegay Guddiga Qoondada Miisaaniyadda ee Aqalka Senate-ka in ay muhiim tahay
in sharci-dejiyayaashu ansixiyaan $87 bilyan oo kale oo loo qoondeeyo
Wasaaradda Difaaca iyadoo $67 bilyan oo ka mid ah loo adeegsan doono
hawlgallada Bariga Dhexe.
Kulanka ayaa
dhowr jeer hakad galay sababo la xiriira dibadbaxayaal ka soo horjeeday
dagaalka, waxaana uu ku dhammaaday muran iyo isku dhac dhex maray xoghayaha
difaaca iyo senator. Tani waxay ahayd markii ugu horreysay ee Hegseth uu ka hor
muuqdo Congress-ka tan iyo markii dagaallada u dhexeeya Maraykanka iyo Iran ay
dib u bilaabmeen toddobaadkii hore, kaddib markii la xaqiijiyay in saddex
askari oo Maraykan ah lagu dilay gobolka.
Aqalka Cad
ayaa bishii Abriil ka codsaday Congress-ka $1.5 tiriliyan oo loogu talagalay
miisaaniyadda Pentagon-ka sannadka maaliyadeed ee soo socda, taas oo kordhin
lahayd kharashaadka milatari ee Maraykanka heerkii ugu sarreeyay xilligii
casriga ah.
Booliska dowladda
Federaalka ah ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in la xiray 17 qof oo lagu
tilmaamay dad "dadka tahriibiya oo halis ah", kuwaas oo lagu eedeeyay
inay mas'uul ka yihiin dhimashada "in ka badan 60" muhaajiriin ah iyo
kufsiga "dhowr haween ah."
Sidoo kale
wuxuu shaaciyay in dadkan laga shakisan yahay, oo lagu eedeeyay inay geysteen
"falal bahal nimo ah oo ka dhan ah bini'aadantinimada" oo loo gaystay
qaxootiga Itoobiya ee ku sugnaa Yemen, isla markaana ay dhibbanayaasha ka qaateen
"in ka badan 1 bilyan oo birr."
Booliska Itoobiya
ayaa bayaan uu shalay soo saaray ku sheegay, in kooxdan ka ganacsiga dadka uu
hoggaaminayo nin lagu magacaabo "Mohammed Tahir Aden", oo sidoo kale
loo yaqaan "Werdi". Waxa kale oo uu baahiyay sawirrada 17-ka nin ee
la xiray, oo uu ku jiro ninkan laga tuhunsan yahay.
Boolisku
wuxuu sheegay in dadkaasi lagu soo qabtay "kormeer iyo baaritaanno
xooggan" oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Cadaaladda, Hay'adda Sirdoonka
iyo Amniga Qaranka, iyo hay'ado kale oo ay khusayso.
Bayaanka
Booliska Federaalka laguma caddeyn goorta ama goobta saxda ah ee dadkaasi lagu
xiray.
Jaylan Abdi,
oo ah madaxa Waaxda Warbaahinta iyo Isgaarsiinta ee Booliska Federaalka, ayaa u
sheegay BBC-da in "howlgalka" lagu qabtay dadkan laga tuhunsan yahay uu
"socday 15-kii maalmood ee la soo dhaafay."
Wuxuu intaas
ku daray in dadkaasi laga soo qabtay meelo kala duwan oo dalka ah, oo ay ku
jiraan magaalada Addis Ababa iyo deegaanka Harari.
Bayaanka
Booliska Federaalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in, markii la xiray tuhmanayaasha
kadib, la diyaariyay gal dacwadeed ku saleysan "caddeymo markhaatiyeed iyo
dukumeenti", kadibna loo gudbiyay Wasaaradda Cadaaladda.
Kooxdan, oo
uu hoggaaminayo "tahriibiyaha halista ah" Maxmed Tahir Aden, ayaa
lagu eedeeyay inay dadka u tahriibin jireen Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Muhaajiriinta ayaa la sheegay in laga soo qaadi jiray bariga Itoobiya, iyagoo
sii maraya Jabuuti iyo Yemen.
Sidoo kale
waxaa lagu sheegay in muhaajiriinta laga soo ururin jiray meelo kala duwan oo
Itoobiya ah iyada oo loo marayo "dillaaliin". "Tuhmanayaashu
waxay maamulayeen shabakad tahriibinta dadka ah, iyagoo ku qancinayay
dhibbanayaasha inay Yemen sii maraan si ay u galaan Sacuudi Carabiya, iyagoo u
ballanqaadaya nolol ka wanaagsan," ayaa lagu yiri bayaanka.
Sida uu
sheegay Booliska Federaalka, muhaajiriinta Itoobiya waxay la kulmeen "
falal bahal nimo ah" markii ay xadka ka gudbeen. Waxaa lagu sheegay in loo
qaaday Yemen, laguna hayay bakhaarro si gaar ah loogu dhisay, halkaas oo loogu
geystay tacaddiyo aad u daran oo ka dhan ah bani'aadantinimada.
Wuxuu
sheegay in falalkan ay "si sharci darro ah ugu heleen in ka badan 1 bilyan
oo birr", isla markaana ay "si sharci darro ah u tahriibiyeen in ka
badan 40,000 oo qof."
"Baaritaanku wuxuu muujiyay in in ka badan 60 qof la dilay, isla markaana haween dhowr ah la kufsaday," ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in tuhmanayaashu ay mas'uul ka yihiin dhimashada muhaajiriintaas.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Booliska Federaalka ay heleen muuqaalloay soo direen markhaatiyaal ku sugan Sacuudi Carabiya iyo Itoobiya" kuwaas oo la xiriira falalkaas.
Sidoo kale akhri
Nin dadka tahriibiya, horena maxkamadi u xukuntay oo lagu arkay UK isagoo shaqaynaya, sidee bay ku dhacday?
Trump oo ku hanjabay inuu weerari doono xarumaha nukliyeerka ee dhulka hoostiisa ah
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Maraykanka ayaa weerarro ku qaaday Iiraan habeenkii 11-aad oo xiriir ah, iyadoo Tehran ay uga digtay Maraykanka inuusan bartilmaameedsan xarumaheeda nukliyeerka.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay, in mowjadan weerarrada ah loo qorsheeyay "in lagu sii wiiqo awoodda Iiraan ee ay ku halis gelin karto maraakiibta ganacsiga" ee marinka Hormuz.
Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa sheegtay, in nidaamyada difaaca cirka la hawlgeliyay caasimadda Tehran. Qaraxyo ayaa sidoo kale laga soo sheegay Tabriz, Chabahar, Konarak, iyo Bushehr, oo ay ku taallo warshadda keliya ee tamarta nukliyeerka ee Iiraan.
Iiraan, oo weerarro aargoosi ah ku qaaday Maraykanka iyo xulafadiisa Bariga Dhexe, ayaa ka digtay tallaabooyin jawaab celin ah kadib markii Donald Trump uu sheegay in Maraykanku dhawaan weerari doono xarun nukliyeer oo dhulka hoostiisa ku taalla oo u dhow Natanz.
Iiraan iyo Maraykanku waxay bishii Abriil ku heshiiyeen xabbad-joojin, balse dagaalladu waxay dib u billowdeen toddobaadkii hore iyadoo labada dal ay ku loollamayeen gacan ku haynta marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz.
CENTCOM ayaa sheegtay in ciidamada Maraykanku ay beegsadeen xarumaha hawlgallada milatari ee Iiraan, awooddeeda badeed, garoomada diyaaradaha, bakhaarrada lagu kaydiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone-yada), iyo kaabeyaasha saadka milatariga.
Waxay sidoo kale ku eedeysay Iiraan inay saddexdii bilood ee la soo dhaafay weerartay "in ka badan 30 markab oo ganacsi" oo marayay marinka Hormuz.
"Weerarradan aan sababta lahayn waxay halis geliyeen boqolaal badmaax oo rayid ah waxayna wiiqeen xorriyadda maraakiibtu ugu kala goosho badda," ayay CENTCOM tiri, iyadoo intaas ku dartay in marinkaasi uu weli "u furan yahay maraakiibta ganacsiga."
Heshiis la sheegay inuu Mareykanka la galay Sacuudiga oo walaac laga muujiyay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Warbaahinta
Mareykanka ayaa ku waramay in maamulka Trump uu gaaray heshiis ballaaran oo ku
saabsan iskaashiga tamarta nukliyeerka la galay Sacuudiga, iyadoo lagu wado in
si rasmi ah loo shaaciyo dhawaan.
Heshiiskaasi
wuxuu u oggolaan karaa Sacuudiga inuu kobciyo shidaalkiisa ee loo isticmaalo
hawlgelinta warshadaha tamarta nukliyeerka.
Labada dal
ayaa muddo sanado ah ka wada hadlayay iskaashiga dhinaca tamarta nukliyeerka.
Hase
yeeshee, qaar ka mid ah sharci-dejiyeyaasha Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay
in Sacuudigu mustaqbalka uga faa'iideysan karo mashruucan sidii uu u horumarin
lahaa hub nukliyeer ah.
Haddii heshiiska la meel mariyo, waxaa la
filayaa inuu hagaajiyo xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Sacuudiga oo ay
saameeyeen xiisadaha ka dhashay dagaalka Iiraan, isla markaana uu fursado
ganacsi oo waaweyn u abuuro shirkadaha Mareykanka.
Mar la weydiiyay cidda ay PSF hoos tagto, Cabdikhaaliq Awil wuxuu sheegay in ciidanka uu hadda ka tirsan yahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dowladda federaalka.
"PSF waa ciidan federaal ah oo hoos taga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed," ayuu u sheegay BBC.
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo Puntland ay hore ugu eedeysay dowladda federaalka inay ciidamo ka diiwaangelinayso gobollada Bari, Nugaal iyo Mudug.
BBC ayaa sidoo kale weydiisay sida ay sharci ahaan uga hawlgeli karaan deegaanno ay maamusho Puntland, balse Awil wuxuu ku dooday "in dastuurka federaalka uu dowladda dhexe siinayo mas'uuliyadda ciidamada difaaca, halka dowlad-goboleedyaduna ay leeyihiin ciidamada booliiska".
Markii BBC ay weydiisay in PSF ay ku lug lahayd diiwaangelintaas, Awil wuu beeniyay.
"Shaqadayadu kuma salaysna diiwaangelin ciidan. Waxaan nahay ciidan loo aasaasay la dagaallanka argagixisada, mana wadno qorista ama diiwaangelinta ciidamo," ayuu yiri isaga oo la hadlayay BBC-da.
Sida uu sheegaya Korneel Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan oo ahaan jiray madaxii hore ee ciidammada Daraawiishta Puntland, PSF ayaa ka tirsanaan jirtay ciidan horey la isugu oran jiray PIS oo la aasaasay xilligii Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Ciidamadani markii hore waxay isugu jiri jireen milatari iyo sirdoon loogu talagalay la dagaallanka argagaixisada balse markii dambe waa la kala saaray, oo milatariga waxaa ku haray PSF, halka sirdoonkuna uu noqday mid ka baxsan.
"Ujeeddada loo aasaasay wuxuu ahaa la dagaalanka argagixisada maadaama argagixisadu ay wakhtigaasi Sebteembar 2001-dii wixii ka dambeeyay ay argagixisadu soo xoogeysatay, taliskanna muhiim uu u ahaa Geeska Afrika, Mareykankuna ay aad u daneynayeen." ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid oo sharraxaya ujeeddada loo aasaasay ciidamadan.
Ma cadda waxa xiga ee ka dhalan doona khilaafka u dhexeeya Puntland iyo PSF ee haatan, iyadoo labada dhinac ay weli si weyn ugu kala aragti duwan yihiin sababta iska horimaadka.
Sarkaal ka tirsan ciidamada PSF, Cabdikhaaliq Awil, ahna xogahaya guud ee ciidankaan ayaa BBC-da u sheegay in ciidamo ka tirsan PSF oo watay siddeed gaari ay aroornimadii Isniinta, iyagoo ku jira "hawlgal amni oo caadi ah", lagu hor istaagay deegaanka Laag oo qiyaastii 30 kiiloomitir u jira magaalada Boosaaso.
War deg deg ah, Qaraxyo laga maqlay gobo cusub oo Iiran ah
Kadib markii
CENTCOM ay ku dhawaaqday wajigii kow iyo tobnaad ee weerarrada lagu qaaday
goobo ku yaalla Iiraan muddo saacad ah subaxnimadii Arbacada, isla markaana ay
sheegtay in hawlgalku dhammaaday, wakaaladaha wararka ee gudaha Iiraan ayaa soo
sheegay in qaraxyo laga maqlay dhowr meelood oo cusub, oo ay ku jirto Tehran.
Marka laga
soo tago magaalooyinka koonfureed ee Iiraan oo bartilmaameed u ahaa weerarrada
cirka iyo gantaallada Maraykanka toddobaadyadii la soo dhaafay, warar laga
helay Tehran iyo Tabriz ayaa sheegay, in subaxnimadii Arbacada maanta ah laga
maqlay qaraxyo isla markaana la hawlgeliyay difaacyada cirka.
Sidoo kale,
weerarro cirka ah ayaa laga soo sheegay gobolka Kurdistan iyo nawaaxiga
magaalada Baneh.
Mas'uuliyiinta
deegaanka Abdanan ee gobolka Ilam ayaa ku dhawaaqay in waaberigii Arbacada uu
dhacay weerar cirka ah, oo ka dhacay agagaarka magaalada iyo meel u dhow
Dinarkoh.
Mas'uuliyiinta
gobolka Hamedan ayaa iyaguna sheegay in weerarro lagu qaaday goobo ku dhow
magaalada Kabudarahang.