Maxay dumarku u leeyihiin awood ay ku arkaan midabbo aysan arki karin dadka kale?

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Gabadha sawir-gacmeedka ku xeelka dheer ee lagu magacabo Conchetta Antico ayaa sheegtay in ay noqotay sida qof "biyo qabow wejiga loogu shubay" markii ay ogaatay in ardaydeeda aysan arkikarin midabbadii ay iyadu arkaysay.

Antico waxay sheegtay in ay aragto "midabbo badan oo kala duwan" xitaa waxyaabaha maalinlaha ah sida hooska, halka dadka intooda badan ay arkaan hal nooc oo midab ah.

Waxay u haysatay in qof kasta uu wax u arko sidii ay iyadu u arki jirtay, ilaa ay jawaabihii ardaydeeda ka fahamtay in arrintu aysan sidaas ahayn.

Antico waxay markii dambe, iyada oo loo marayo baaritaan hidde-side, ogaatay in ay leedahay awood bayoolojiyeed oo dhif ah oo loo yaqaan Tetrachromacy taas oo ah awood sare oo qofku ku arki karo midabbo aysan dadka kale arki karin.

Unuguyo kale

Dadka intooda badan waxay leeyihiin saddex nooc oo unugyo gaar ah oo loo yaqaan unugyada arka midabada, kuwaas oo ku yaalla xuubka dambe ee isha.

Mid kasta oo ka mid ah unugyadan wuxuu ka jawaabaa hirar gaar ah oo iftiin ah, kuwaas oo inta badan u dhigma midabbada casaanka, cagaarka, iyo buluugga.

Unugyadani waxay calaamado u diraan maskaxda. Midabbada aynu aragno waxay ku xiran yihiin isku darka calaamadaha ay maskaxdu ka hesho noocyadan kala duwan ee unugyada.

Dadka qaar waxay sidoo kale yeelan karaan nooc afraad oo unug ah. Aragti ahaan, tani waxay maskaxda u oggolaaneysaa in ay hesho xog badan oo kala duwan, taas oo kordhin karta awoodda lagu kala saaro dhammaan midabbada qaybaha iftiinka ee muuqda.

Laba nooc oo hidde-sideyaal ah

Hidde-sideyaasha mas'uulka ka ah samaynta unugyada dareema midabbada casaanka iyo cagaarka waxay ku yaallaan koromosoomka X.

Si qofku u yeesho awoodda uu ku arko midabbo aysan dadka kale arki karin, waa in uu dhaxlaa laba nooc oo kala duwan oo ka mid ah hidde-sideyaashaas isla markaana ay labaduba shaqeeyaan.

Awooddan bayoolojiyeed waxaa yeelan kara oo kaliya dumarka, sababtuna waxay tahay dumarku waxay leeyihiin laba koromosoom oo X ah, halka ragguna ay badanaa leeyihiin hal X. Ragga leh hiddo-sidahan wuxuu ku keenaa nooc ka mid ah dhibaatooyinka arag la'aanta.

Sida lagu sheegay mashruuca Quadricolor ee Jaamacadda Newcastle, qiyaastii 12% dumarka ayaa loo malaynayaa in ay leeyihiin awooddan hidde-side, inkastoo cilmi-baaristu muujinayso in ay jiri karaan kala duwanaasho.

Lahaanshaha unug dheeraad ah macnaheedu ma ahan in qofku si toos ah u leeyahay aragti midab oo aad u heer sarreysa.

Marxaladda loo yaqaano in aad leedahay awoodda midabada u aragta si madaxbannaan, way adag tahay in la cadeeyo sida ay sheegtay Dr. Kimberly E. Jameson oo ka tirsan jaamacadda California.

Cilmibaarista Dr. Kimberly E. Jameson waxay muujineysaa in haweenka leh afar unug nooca loo yaqaan Cone in ay awood u leeyihiin in ay ogaadaan kala duwanaansho aad u yar oo u dhexeeya midabbada marka loo eego dadka leh saddex nooc oo ah unugyada Cone-ka loo yaqaan.

Noocyo ka mid ah daanyeerada, labku waxay leeyihiin laba nooc oo ah unugyada Cone, sidaas darteed aragtidoodu waa laba-midab, halka dheddiggu leeyihiin saddex nooc oo ay ku arkaan saddex-midab.

Saynisyahannadu waxay ogaadeen in daanyeerada dheddigga ahi ay si ka dhakhso badan ragga u helaan una cunaan miraha casaanka ah.

"Midabbada aan la sharxi karin"

"Hal aragti ayaa leh, haddii qofku leeyahay dareen midab oo ka duwan inta kale in uu arki karo qofkaas midabbo aan lagu sifayn karin ereyo, sida aynaan qofka qaba cilladda casaanka iyo cagaarka ugu sharxi karin waxa ay dhab ahaan yihiin casaanka ama cagaarku," ayuu yiri Dr. Michael Newall, oo ka tirsan Jaamacadda Adelaide.

In si cilmiyeysan loo cabbiro midabbada uu qof arko waa arrin aad u adag. Dr. Jenny Basten oo ka tirsan jaamacadda Sussex ee UK ayaa sheegtay in ay adag tahay in la cabbiro waayo-aragnimada shakhsiga ah ee dadka ee ku saabsan midabka.

Basten waxay sheegtay in daraasadaha lagu qiimeeyo awoodda dadka ee kala saaridda midabbada ay ka caawin karaan cilmi-baarayaasha in ay si fiican u fahmaan kala duwanaanshaha sida dadku u arkaan midabbada.

Sidee lagu ogaan karaa qof leh awood uu ku arko midabbo ka badan kuwa caadiga ah?

Hadii aad si fudud internetka uga baarto waxaad arkeysaa bogag badan oo sheeganaya in ay sameeyaan baaritaanada lagu ogaan karo in qofku leeyahay awood uu ku arko middabo badan, laakiin khubaradu waxay sheegeen in aan sidaas lagu xaqiijin karin xaaladdan.

Shaashadaha casriga ah waxay leeyihiin saddex kanaal oo midab ah sida casaan, cagaar, iyo buluug. Dadka leh aragti midab oo ka sarreysa tan caadiga ahi waxay arki karaan midabbo cusub, midabbadaasi si buuxda ugama muuqan karaan shaashadda.

Arrin kale oo xiiso leh ayaa ah sida ay uga falceliyaan nalalka nooca LED marka la barbardhigo kuwa caadiga.

"Dumarka arka midabada badan... badanaa uma adkaysan karaan nalalka aan lahayn hirarka dhaadheer ee iftiinka," ayuu yiri Jameson.

Hababka ugu wanaagsan ee lagu xaqiijin karo xaaladdan ayaa ah sida khubaradu sheegeen baaritaannada hidde-sideyaasha iyo tijaabooyinka shaybaarka.

Saynisyahannadu wali ma oga sababta dadka qaarkood ay u kala saari karaan midabbo badan, halka qaar kalena aysan u awoodin.

"Waxaa kaloo dhici karta si qofku u horumariyo awoodda uu ku kala saaro kala duwanaanshaha midabbada in uu si joogto ah ugu isticmaalo nolol maalmeedkiisa tilmaamaha midabka"

Conchetta Antico oo aqoon u leh farshaxanka waxay aaminsan tahay in taasi ay iyada ku dhacday.

"Waxaan horumariyay sida aan midabbada u arko," ayay tiri. "Waxay la mid tahay sida aad jirka u dhisto."