You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
"Iiraan waxay ku soo duushay Ingiriiska, balse Burnham weli ma oga." - maqaal uu daabacay The Telegraph
Maqaal lagu daabacay wargeyska The Telegraph, uuna qoray qoraa Kasra Orabi ayaa ku doodaya in Iiraan ay dagaal kula jirto Britain, xitaa haddii dowladda Ingiriisku aysan qiran, iyadoo la tixgelinayo in hanjabaadihii dhawaan ay soo saareen Ilaalada Kacaanka Iiraan ay xaqiijinayaan in Boqortooyada Ingiriisku "ay ku dhowdahay dagaal."
Qoraagu wuxuu tilmaamayaa in Ilaalada Kacaanka Iiraan ay soo saareen bayaan rasmi ah oo ay ku hanjabeen inay bartilmaameedsan doonaan saldhigga Ciidanka Cirka ee Boqortooyada Ingiriiska ee Fairford, isagoo carabka ku adkeeyay in dhammaan saldhigyada ay martigeliyaan ciidamada Mareykanka ee ka qayb qaadanaya hawlgallada militariga loo arko "bartilmaameedyo sharci ah".
Wuxuu aaminsan yahay in hanjabaadahani ay yimaadeen ka dib markii Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Andy Burnham uu ogolaaday inuu sii wado isticmaalka saldhigyada Ingiriiska ee hawlgallada difaaca Mareykanka ee ka dhanka ah Iiraan, laakiin wuxuu ku nuuxnuuxsaday in "siyaasadda cadawtinimada Tehran ee ku wajahan Britain ay ka horreysay go'aankan sannado."
Qoraagu wuxuu aaminsan yahay in maamulka Iran uu sii wadi lahaa hanjabaadihiisa iyadoon loo eegin mowqifka dowladda Ingiriiska; wuxuuna tusaale u soo qaadanayaa weerar horey loogu qaaday saldhig Ingiriisku ku lahaa Cyprus, iyo in ka badan labaatan "qorshe argagixiso" oo uu sheegay inay Ilaalada Kacaanka isku dayeen inay ka fuliyaan gudaha Ingiriiska afartii sano ee la soo dhaafay.
Qoraagu wuxuu tilmaamayaa baaritaan ay daabacday jariiradda The Telegraph, kaas oo uu sheegay inuu daaha ka qaaday in Qaybta 700 ee Ilaalada Kacaanka ay ka faa'iideysteen dhibaatada doomaha muhaajiriinta si ay dalka Ingiriiska u soo geliyaan "wakiillo ka tirsan Kacaanka Islaamiga ah" oo ay ugu faafiyaan guud ahaan magaalada London.
Waxaa la soo xigtay sarkaal u dhashay Iran oo leh, "Uma baahnin gantaal aan ku beegsanno London." Hadalkan ayaa loo arkaa mid muujinaya nooca ay tahay khatarta Iran, taas oo aan ku salaysnayn oo kaliya awood ciidan oo caadi ah.
Qoraagu wuxuu aaminsan yahay in jawaabta dowladda Ingiriisku aysan ahayn mid ku filan; wuxuuna sharxayaa inuu filayay in loo yeero safiirka Iran isla markaana digniin cad la siiyo Tehran, balse dowladdu waxay kaliya sheegtay inay diyaar u tahay "inay is-difaacdo" iyadoo isla markaasna ka taxaddaraysa "inaan la dhex galin colaad ballaaran."
Wuxuu leeyahay: "Difaacu ma aha ka-hortag (ama cabsi-gelin ka hortag ah). Waa inay ogaadaan maamulka Islaamiga ah ee Iran inay la kulmi doonaan cawaaqib xun, oo ay ku jiraan tallaabooyin ciidan, haddii ay go'aansadaan inay weerar qaadaan."
Qoraagu wuxuu tilmaamayaa in dowladdu ay diiradda saarayso suurtagalnimada in Ingiriiska lagu qaado weerar ciidan oo toos ah, iyadoo iska indhatiraysa "awoodaha argagixisanimo ee aan caadiga ahayn ee Ilaalada Kacaanka Iran ay ku leeyihiin dalka Ingiriiska."
Wuxuu tilmaamayaa kaabayaasha ay Ilaalada Kacaanka ka sameysteen gudaha dalka iyagoo adeegsanaya masaajidda, hay'adaha samafalka, iyo xarumaha waxbarashada; isagoo ku doodaya in xarumahan loogu isticmaalo, si dadban, faafinta "fikradaha xagjirka ah" iyo fududeynta hawlaha la xiriira Ilaalada Kacaanka, iyadoo isla markaasna siinaysa Tehran fursad ay ku inkiri karto mas'uuliyadda, sida uu qoraagu aaminsan yahay.
Qoraagu wuxuu sheegay inuu shaqsi ahaan uga qayb qaatay baaritaanno muujinaya in hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka ay khadka internetka kula xiriireen ururada ardayda Ingiriiska, isagoo intaa ku daray inay ku casuumeen ardayda inay ku biiraan waxa ay ku tilmaameen "ciidankooda la ballanqaaday ee soo afjari doona nolosha Sahyuuniyiinta iyo Yuhuudda adduunka oo dhan."
Waxay sidoo kale tilmaamaysaa in safaaradda Iiraan ee London, bilo ka hor, ay ugu baaqday Muslimiinta Ingiriiska inay iska diiwaan galiyaan "hawlgallada shahiidnimada".
Qoraagu wuxuu sidoo kale tilmaamay in dad lala xiriiriyay shabakaddan ay gacan ka geysteen in dadka Ingiriis ah loo daabulo inay ka qayb qaataan munaasabado ay soo qabanqaabiyeen Ilaalada Kacaanka iyo Xisbullah-da dibadda, wuxuuna sheeganayaa in Mojtaba Khamenei uu masuul ka yahay xafiis ku yaal London oo uu maamulo wakiil shaqsiyeed aan lahayn darajo diblomaasiyadeed, inkastoo, sida uu sheegay qoraagu, uu si joogto ah u muujiyo "taageeradiisa Ilaalada Kacaanka ".
Qoraagu wuxuu ka digayaa in shabakaddan la isticmaali karo, haddii Ilaalada Kacaanka ay go'aansadaan inay weeraraan Britain, si ay u fuliyaan falal rabshado ah ama weeraro argagixiso oo ay geystaan shakhsiyaad xagjir ah, taas oo, fikradiisa, siinaysa Tehran awoodda ay ku diidi karto xiriir toos ah oo ay la leedahay hawlgalladan.
Isagoo soo gabagabeynaya maqaalkiisa, qoraagu wuxuu ugu baaqayaa dowladda Ingiriiska inay qaaddo tallaabooyin adag oo ka dhan ah hay'adaha uu aaminsan yahay inay xiriir la leeyihiin Ilaalada Kacaanka, oo ay ku jiraan xiritaanka ururada iyo xarumaha khuseeya iyo masaafurinta shaqaalahooda aan Ingiriiska ahayn, isagoo ku doodaya in tani ay farriin cad u diri doonto in Britain aysan u dulqaadan doonin hanjabaadaha ka dhanka ah.