War deg deg ah, Maxaa ka ognahay Illaa iyo hadda Togaashada ka dhacday Seattle Maraykanka?
Haddii aad hadda nagu soo biirtay, Seattle, Washitong Maaykanka waxaa ka dhacday Toogasho ay ku dhinteyn 3 qof halka ay ku dhaawacmeyn 5 qof oo ay caruur ku jiraan.
Hal qof oo looga shakisan yahay weerarka ayaa booliisku gacanta ku hayaan, kaddib rasaas lagu furay xarunta Seattle Center.
Waa kuwan wararkii ugu dambeeyey:
- Rasaasta ayaa ka dhacday xafladda cunnada ee sannadlaha ah ee Bite of Seattle abbaarihii 6:00 fiidnimo waqtiga Maraykanka, iyadoo booliisku sheegeen inay jiraan "dhowr qof oo rasaastu haleeshay."
- Goobjoogayaal ayaa sheegay inay maqleen rasaas isdabo jog ah oo si degdeg ah loo riday ka hor intaysan goobta ka cararin oo ay gabaad raadsan. Qaar waxay dhacdada ku tilmaameen "qalalaase buuxa" iyo "fowdo."
- Duqa magaalada, Katie Wilson, ayaa sheegtay in hal qof oo looga shakisan yahay weerarka uu hadda ku jiro gacanta booliiska. Inkastoo ay markii hore sheegtay in laba qof la xiray, haddana faahfaahin dheeraad ah kama bixin.
- Booliisku waxay weli wadaan baaritaanka, waxaana dadweynaha looga digay inay ka fogaadaan agagaarka Seattle Center.
- Mas'uuliyiinta magaalada Seattle iyo gobolka Washington ayaa cambaareeyay weerarka, iyagoo ku tilmaamay "fal rabshado macno darro ah."
Nala soco si aan idiinku soo gudbinno wixii warar ah ee kusoo kordha.